Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Sirta & qorshaha Shabaabka isku dhiiba DF iyo wixii ay ku guuleysteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah dadka kasoo goostay Al-Shabab waxay dileen madax iyo ciidan, halka kuwo kale ay dib u laabtaan Al-Shabaab muddo marka ay joogaan, ayada oo tani ay tahay qorshe laga soo shaqeeyey.

Kuwo kale waxay ururiyaan xogta laamaha dawladda iyo tan xubnaha soo goostay ee kale oo ay ku cabsigeliyaan, si ay uga hor istaagana inay wada shaqayn la sameyaan dawladda ama inay macluumaad siiyaan.

Marka ay Shabaabku isu soo dhiibayaan dowladda, waxay ku yimaadaan barnaamij laga soo shaqeeyey, oo ujeedkiisu yahay in sirta dowladda ay helaan, ama ay fuliyeen dilal iyo weeraro miisaan culus.

Dowladduu ma fahamsana xeeladdan, waxaana Shabaabkii u yimaadaba ay u qaabishaa si caadi ah, oo shaki badan aan lahayn

Shabaab badan oo dowladda isku soo dhiibay kadibna dib uga baxay ayaa fuliyey weeraro halis ah, oo mid ka mid ah lagu dilay 67 askari oo Kenyan ah.

Sirtan ayaa waxaa shaaca ka qaaday barnaamijka Galka Baarista ee Idaacadda VOA, oo ay la hadleen khubaro dhinaca amniga ah. Hoos ka dhageyso barnaamijka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/06/2346eb0b-5ff8-43d8-93b8-77edf0954d2a_48k.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this