Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanno lagu dilay weerar jid gal ah oo ay kooxda Al-Shabaab fulisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay jidka u galeen kolonyo ay la socdeen xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo ciidamo galbinayey.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel dhinaca waqooyi kaga beeggan magaalada Balcad. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii saarnaa kolonyadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay labo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah askartii la socotay, islamarkaana la gubay illaa labo gaari oo mid ka mid ah uu ahaa gaari kuwa dagaalka.

Xildhibaannada la dilay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Ismaaciil Muumin  iyo Macallin Daahir oo labaduba ka mid ahaa xildhibanada Hir-Shabeelle.

Sidoo kale, wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ilaa lix askari ay ku geeriyoodeen oo uu ka mid ahaa taliyihii ciidamada ilaalada madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo xildhibaanada ilaalo u ahaa.

Ciidamo gurmad ah oo ka kala yimid Johwar iyo Balcad ayaa gaarey goobta uu ka dhacay weerarka ee degaanka Ilbaq, kuwaas oo goobta kasoo waday xildhibaanadii waddada loo galay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this