Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo Duqeeyn ka Fuliyay Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ayada oo la shaqeyneysa dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay meel 26 mile u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 argagixiso.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah.

AFRICOM waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Mareykanka, loona baabi’iyo argagixsada.

Tani waxaa qeyb ka ah, ayaa lagu yiri qoraalka, in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom lagula midoobo howlgallada ka hortagga argagixisada, lana beegsado goobaha ay ku tababartaan ee Soomaliya iyo gobolkaba.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo Duqeeyn ka Fuliyay Gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this