Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNTLAND ma ka jawaabi doontaa bah-dilkii ay ku sameeyeen Mareykanka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Marar badan ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland waxaa dhex-maray khilaafyo salka ku haya awoodda maamul goboleedyada iyo heshiisyada ay galaan, ee  lala baalmaro dowladda.

Puntland waxay ku dooddaa inay ka madax banaan tahay dowladda, marka ay noqoto arrimaha gaarka u ah maamulkaas ee danta ugu jirta, ayna xaq uleedahay inay gasho heshiisyo caalami ah, oo deegaanadeeda quseeeya.

Waxaa ugu dambeeyey heshiiskii dekedda Boosaaso ee uu Cabdi Weli Gaas muddo 30 sano ah maamulka dekeddaas ugu saxiixay shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta laga leeyahay, inkasta oo dastuurku ku qoran yahay in dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ay maamuleyso dowladda federaalka.

Si kastaba, Mareykanka ayaa shalay muujiyey in marka ay noqoto go’aan ka gaarista arrimaha Soomaaliya uu kala tashanayo kaliya dowladda dhexe, oo uusan waxba ka weydiineyn maamul goboleedyada dalka.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay shalay in howlgal looga fasax qaatay dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamadeeda ka fuliyeen degaano ka mid ah maamulka Puntland.

Qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ayada oo lala shaqeynayo dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen meel 26 mile u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso.Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 argagixiso.

Qoraalka laguma sheegin in weerarkan lagala tashaday maamulka Puntland, hase yeeshee sida ka muuqata qoraalka waxaa la weydiiyey kaliya dowladda federaalka.

Haddii ay sax tahay in ayada oo aan la weydiin Puntland ay dowladda federaalka bixisay amar weerar qorsheysan looga fuliyey deegaanada maamulkaas, waa guul siyaasadeed oo dowladdu ay gaartay, dhabarjabna ku ah siyaasadda horboodka ku dhisan ee maamulka Puntland.

Su’aashu waxay tahay, maxay Puntland ka qaban kartaa arrintan? Ma iska aamuseysa, oo ma ka soo qaadeysaa wax aan macno ku fadhin, mase waxay la hadli doontaa dowladda, oo ay u sheegi doontaa inaysan ansixin karin weerar aan lagala tashan, mise warqad ayay u qori doontaa Mareykanka oo ay kaga caban doontaa arrintan?

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this