Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday G/Gedo & Khasaaro lixaad leh oo ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaarayo degmada Baardheere ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka al-Shabaab ay weerar culus ku qaaden qeybo kamid ah Degmada.

Weerarka oo xalay xiliga saxuurta dhacay ayaa waxaa kasoo baxaaya warar kala duwan, waxa uuna xoogiisa ka dhacay Saldhig ay ku sugnaayen Ciidamada dowlada oo ku yaala agagaarka Buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Cusmaan Sheekh Cabdi (Qorax) oo ah Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Guutada 10-aad oo la hadlay Idaacada VOA-da ayaa waxa uu sheegay raggii weerarka soo qaaday in ay iska difaaceen, oo halkaasi ay ku jabeen.

Wuxuu sheegay dagaalkaasi in uu kaga dhintay Hal askari, halka ay kaga dhaawacmeen ilaa Saddex askari oo kale, wuxuu tilmaamay Shabaab dagaalkaasi in ay kaga dileen in ka badan 10 dagaalame.

Abaanduulaha oo arrintaan ka hadlaayay ayaa yiri ‘’Nimankii cadowga ahaa ayaa weerar nagu soo qaaday xilligiii saxuurta, waxayna weerar ku soo qaadeen aagga Buundada, nimanka halkaasi way ku jabeen, anaga khasaaraha na soo gaaray wuu kooban yahay Hal askari oo dhimasho ah iyo Saddex dhaawac ah, dhankooda Toban Argagixiso ka badan ayaan ka dilnay.”

Sidoo kale, Qorax ayaa sheegay in dagaalkan ay ku qabteen nin nool oo Shabaab ka tirsan iyo hub fara badan, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, weerarkaan ayaa kusoo beegmaaya xili degmooyinka hoostaga Gobolada Gedo iyo Jubboyinka ay muddooyinkan dambe ka soconayay howlgalo ballaaran oo ka dhan ah Alshabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this