Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Amniga oo galay maalintii labaad & Shaki laga qabo nooca heshiiska kasoo bixi doona + Warbixin

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)-Sida aan horay u sheegnay waxaa maalinimadii shalay magaalada Baydhabo ka furmay shirka amniga qaranka Soomaaliya, waxaana ka qaybgalay madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Shirka oo lagu dhan yahay ayaa maanta galay maalinkii labaad, waxa ayna madaxdu inta bad jeediyeen Khudbadahooda ku saabsan Amniga.

Khudbadaha shirka harsan ayaa waxaan weli jeedin mas’uuliyiin la doonaayo inay jeediyaan wakhtiga danbe, halka hadda lagu guda jiro Khudbadaha madaxda Qaranka iyo maamul Goboleedyada.

Madaxda iyo Maamulada ayaan weli isla fahmin qodobada qaar marka laga soo gudbo ajandayaasha miiska saaran ee shirka iyo heshiisyada qoran ee horay loo gaaray, waxaa jira waxyaabo quluubta ku kaydsan oo ay tahay in is afgarad laga gaaro sidii loo wajihi lahaa.

Qodobada lagu lifaaqay magaca shirka ee ah ‘Shirka Amniga Qaranka’ ka sokoow waxaa shirka looga hadlayaa arrimo aanan amni ahayn, sida qeybsiga kheyraadka iyo waliba in lagu heshiiyo hannaanka doorasho ee uu dalka qaadanayo marka la gaaro sanadka 2020-ka.

Shirka ayaa lagu wadaa inuu soo idlaado maanta waxaana suuragal ah inuu gaaro maalinta beri, waa haddii aan lagu heshiin qodobada qaar ee dooduhu ay ka taagan yihiin.

Sidoo kale, heshiiska lagu wado inuu ka soo baxo shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa war-murtiyeedka, waxaana la sheegayaa in ay aad u taaban doonaan siyaasadda kheyraad wadaagga, arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab.

Shaki ayaa laga qabaa nooca uu noqon doono heshiiska la filaayo inuu kasoo baxo shirka Amniga Qaranka ee magaalada Baydhabo, waxaana suuragal ah in qodobada qaar aysan u cuntamin dowlada.

Ma cadda in shirka uu gaari doono maalinta beri iyo inkale, waxaana xusid mudan inay jiraan qodobo badan oo leysku hayo, maadaama inta badan Madaxda maamul Goboleedyada uu kasii dhamaanayo wakhtiga.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this