Emperor Posted September 2, 2008 Ka faiideyso Bisha Barakeysan Posted to the Web Aug 31, 22:55 Waxaa mahadsan Rabi (cw) ee naga dhigay Muslimiin ,haddana fursad noo siiyay inaan nolol ku gaarno Bishii Ramadaan ee barakeysneed, waxaa uuna Rabi (cw) ku mahadsan yahay inuu Bishan Ramadaan nooga dhigay mowsin ka mid ah mowsimyada laga meyrto wixii gaabis ah iyo gabood fal ee naga dhaca hadii aan nahay ilmo Aadam. Bishan Ramadaan waa Bil mudan inuu weyneeyo ruux walba oo Muslim ah kuna farxaa inuu ku gaaray Nolol iyo Caafimaad isla markaana waa inuu u istaagaa ka faaiideysiga Maalmaha iyo Habeenada barakeysan ee Bishan Ramadaan, hadii kale waxaa hubaal ah in uu maalinta Qiyaame ka shalaayi doono fursadihii uu dacay maalintaasoo shalaay uusan waxba u tari doonin. Nabiga Suuban (scw) waxaa uu ku sheegay Xadiis inuu jibriil ku yiri:-Qofkii gaara Ramadaan ee aan ka faaiideysan Naarta allaah haku fogeeyo, markaasuu weliba malaku Jibriil raaciyay dheh aamiin, nabigana waxa uu yiri aamiin. " من أدرك شهر رمضان فلم يغفر له ، فدخل النار ، فأبعده الله ، قل آمين ، فقلت آمين " [ أخرجه البخاري في الأدب المفرد وابن حبان والترمذي والطبراني بإسناد حسن ] Xadaiiskaan waxa uu tusayaa in Ruuxii aan ka faaiideysan Bishaan Barakeysan uu ku dhacayo habaarkii Malaku Jibriil iyo kii Nabi Muxamad (scw)Sidaa daraad eed waa inaan laabta galinaa in ay nimco weyn tahay in ruuxii nolol iyo Caafimaad ku gaaraa Bishaan barakeysan loona baahan yahay inuu ku farxaa qof kasta oo Muslim ah sidii ay ugu farxi jireen Muslimiintii horeysay, weliba waxaa uu Nabiga Suuba (scw) illaah ka baryi jiray inuu gaarsiiyo Bisha Ramadaan inta lagu jiro Bilaha kale ee ka horeeya Ramadaan waxaa uuna dhihi jiray illaahow noo barakee Bisha Rajab iyo Shacbaan Ramadaana nagaarsii. " اللهم بارك لنا في رجب وشعبان ، وبلغنا رمضان " Ducadaan oo ku tuseysa muhiimada ay leedahay gaaritaanka Bishaan marakeysan maadaama uu nabigeeniiba illaah ka baryi jiray haleelida bishaan Barakeysan, waxaa uuna Nabiga ugu Bishaareyn jiray Muslimiinta Bilashada Bisha Ramadaan waxaa uuna dhihi jiray:- " أتاكم رمضان ، سيد الشهور ، فمرحباً به وأهلاً " [ أخرجه البيهقي Hadalkaasoo tusaya inuu Ramadaanka mudan yahay weyneyn iyo soo dhaweyn isla markaana leesugu tahniyadeeyo Bilashada Bishan sida ka sugnaatay Nabi Muxamad (scw) أتاكم شهر رمضان ، شهر بركة ، يغشاكم الله فيه برحمته ، ويحط الخطايا ، ويستجيب الدعاء ، ينظر الله إلى تنافسكم فيه ، ويباهي بكم ملائكته ، فأروا الله من أنفسكم خيراً ، فإن الشقي من حرم رحمة الله [ أخرجه الطبراني ] W axaa weliba loo baahan yahay in Musdlimiinta lagu baraarujiyo fadliga Bishan sida ku cad Xadiiska hore oo ah in Bishaan barakeysan tahay ilaah Raxmadiisana ay muslimiinta ku soo daganeyso,gafafkana lagu dhaafo bIshaan, ducadana lagu ajiibo, illaahna inuu fiirinayo sida aan ugu tartano fursadaha Bishan.... Waxaa hadaba intaaas dheer in aan ogaano in soomitaanka Bishaan yahay Tiir ka mid ah Shan tiir oo waa weyn oo Diinkeena Islaamka ku dul taagan yahay, taasoo macnaheedu yahay qofkii awooda ee aan Soomin asagoo wax fasaxa ah ka heysan Shareecad Islaamka in Islaamnimo sax ah heysan. " بُني الإسلام على خمس : شهادة أن لا إله إلاّ الله وأن محمداً رسول الله وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة وصوم رمضان وحج البيت " [ متفق عليه ] Marka waxaa lagama maarmaan ku ah qofkii doonaya inuu Diinkan oo dhameestiran qabsadaa waa inuu Soonka la yimaadaa maxaa yeelay illaah(cw) waxa uu ku waajibayay Muslim walbaa inuu guto waajibkaas sida ku cad xadiiskan:- : " أتاكم شهر رمضان ، شهر مبارك ، فرض الله عز وجل عليكم صيامه ، تفتح فيه أبواب السماء ، وتغلق فيه أبواب الجحيم ، وتغل فيه مردة الشياطين ، لله فيه ليلة خير من ألف شهر ، من حُرم خيرها فقد حُرم " [ أخرجه النسائي وصححه الألباني ] Xadiiskan waxa uu tusayaa waajibnimada Bis ha Ramadaan iyo fursadaha waa weyn ee ku jira Bishan sida in la albaabaha Janada la furayo, in albaabaha Naarta la xerayo,in Shayaadiinta madaxa adagna la xerayo taasoo macnaheedu yahay waxaa jira fursado badan oo hadii aad ka faaiideysataa ay ka dhalan kartaa inaad Janada gashaa Naartana lagaa badbaadiyaa, waxaana weliba xadiiska sheegay fursadaha ku jiraa Bishaan waxaa ka mid ah in ay jirto habeen habeenadiisa ka mid ah oo ka badan xagga abaal marinta wanaagyada la sameeyaa 1000 habeen . Waxaa uu weliba Nabiga Suuban (scw) sheegay in bishaan ay furan tahay fursado badan oo lagu helo Dambi_dhaaf sida Soonka, Salaada habeenkii iyo Salaada habeenka Qadarka, hadii si niyad ah oo ajarfilasho ah uu ruuxa ula yimaado arimahaas la soo sheegay " من صام رمضان إيماناً واحتساباً غُفر له ما تقدم من ذنبه ، ومن قام رمضان إيماناً واحتساباً غُفر له ما تقدم من ذنبه ، ومن قام ليلة القدر إيماناً واحتساباً غُفر له ما تقدم من ذنبه " Soow nasiib xumo ma aha in Dadka qaar ka dhigtaan Bishaan Barakeyasan Bil Cunto, Cabid ,Hudo,Jiif Ciyaar sida Kubada, turubka iyo Dumlada waxa loo yaqaan oo caado dadbadani ka dhigteen in ay ku gaar yeelaan Bishaan?!! Soow nasiib xumo ma aha in dhalinteenii badankeen garaneynin ula jeedada uu illaah (cw) Bishaan soonkeeda u waajibiyay?!! Soow illaah (cw) ula jeeda Soonka Bishaan kama dhigin in (Taqwo) alle ka cabsi laga faaiidaa? Soow Bishaan ma aha Bil uu illaah (cw) tilmaamay ion uu gaar u leeyahay,abaal gudkeedana uu si gaar ah u bixiyo asagoon xisaabsaneyn. قال صلى الله عليه وسلم : قال الله عز وجل : " كل عمل ابن آدم له إلا الصوم ، فإنه لي وأنا أجزي به ، والصيام جنة (حجاب) ، فإذا كان صوم يوم أحدكم ، فلا يرفث ، ولا يصخب ، فإن سابه أحد أو قاتله فليقل : إني صائم ، إني صائم ، والذي نفس محمد بيده لخلوف فم الصائم عند الله أطيب من ريح المسك ، للصائم فرحتان يفرحهما ، إذا أفطر فرح بفطره ، وإذا لقي ربه فرح بصومه " [ خرجه البخاري ومسلم ] Waxaa kaloo xadiiskan ku tusayaa in Soonku yahay Gaashaan looga dhwrsado Naarta, sidoo kalana waxaa uu tusayaa xadiiskaan in Soonka xaga aadaabtana uu la leeyahay xeriir oo waxaa laga rabaa midka sooman inuusab xumaan ku hadal buuqna galin xataa hadii la aflagaadeeyo ama lala dagaalamana uu dulqaato asaga oo leh wan soomanaha waan soomanahay, maxaa yeelay hadii kale waxaa dhaceysa in ajarkii soonka ka yaraado ruuxii soonaa amaba ka buro halkaasna uu dembi weyn ka Xambaarsado. Waxaa kaloo xadiiskaan tilmaamay in af urka ku yiimaad ruuxa sooman uu yahay midka wanaagsan xaga allaah (cw) waxa aan carafta ku tilmaano sida Miskiga maxaa yeelay waa ur ka dhashay Cibaado uu illaah (cw) jecel yahay. Waxaa kale oo xadiiskan tusayaa laba farxadood oo waa weyn inuu helo ruuxii sooma , tan hore waa inu u kui farxaa afurka marka uu afarayo, tan labaadna waa inuu farxad weyn helaa maalinta Qiyaame m,arka uu hor istaago Rabi (cw), waxaana uu Nabiga (scw) sheegay in Janada uu ku yaal albaab u gaar ah KUwa Soomida badan oo aysan cidkale albaabkaas Janada ka galin, cidioi gashaana waa la waraabiyaa sia uusan mar dambe weligiis oon u arag waxaa la yiraahdaa albaabkaas Rayaan. " إن في الجنة باباً يقال له الريان ، يدخل منه الصائمون يوم القيامة ، لا يدخل منه أحد غيرهم ، فإذا دخلوا أُغلق ، فلم يدخل منه أحد " [ أخرجه البخاري ومسلم ] " فإذا دخل آخرهم أُغلق ، من دخل شرب ، ومن شرب لم يظمأ " [ أخرجه ابن خزيمة وهو حديث حسن صحيح Waxaa ay nagu baraarujinayaan nusuustaas oo dhan in aan fursadaha Bishaan ka faaiideysanaa kuna faraxsanaanaa weliba, hadiise ay taas dhci weyso amaba uu ruuxa gebi ahaanba soomi waayo waa Dembi aad u weyn Nabiga Suuba (scw) waxaa uu ka digay in ay jiraan dad aan soonka ka faaiideysan waxa uuna yiri:-Waxaa badan ruux sooman oo aan soonkiisa ka heleynin wax ka badan Oon iyo Gaajo.. رب صائم ليس له من صيامه الاجوع والعطش waxaana hubaal ah dad badan oo aan fursad u aq oon soonka in ay jiraan hadana sooma maadaama dadkii oo dhan ay sooman yihiin, ayagoo aad ugha murga Bailashada Bisha aadna ugu farxa habeen walba oo ka mid ah Bisha oo gudba.waxaa culimada q aar ka sheegaan in ay jiraan dad aad ugu daadaala cabitaanka Biyaha iyi cuntada maalmaha Soonku soo dhawaado ayagoo oo u maleeyo in Calooshoodu wax sahay ah oo Cunto ah u celin karto, w axaana laga sheegaa inuu nin shaacir ah oo aan soonka Bilashadiisa ku faraxsaneyn yiri:- hadii Bisha shacbaan 20 gaarto waxaad badisaa caibitaanka biyaha weliba adigoo ku cabaaya weelal waa weyn maxaa yeelay waaqttigii weel yar biyo lagu cabi lahaa waa cariiriyoobay!!! إذا العشرون من شعبان ولّت *** فبادر بالشراب إلى النـــهارِ و لا تشرب بأقداحٍ صغـارٍ *** فإن الوقتَ ضاق على الصغارِ Waa murugo in kuwa saas ah aay sheegtaan in ay jecel yihiin Diinka Islaanka oo kiu faraxsan yihiin Bilashada Ramadaan, waxaa Muslimiintii hore caado u ahaan jirtay inay illaah ka baryi jireen inuu gaarsiiyo Ramadaan sanadka barkiis ,barka kalana waxa ay illaah ka baryi jireen inuu ka aqbalo Cibaadooyinkii ay samees teen Bisha Ramadaan ioo sanadka oo dhan waxaa fursad xaga Cibaadaadka ah Muslimiinta uga arki jireen Ramadaan si gaar ah.. Talo jeedin Si aan uga faaiideysano Bishaan Ramadaan waa inaan sameynaa arimaha soo socda: 1- Waa ainaan u degdegnaa Towbad keenida illaahna Dembi dhaaf ka dalbanaa maxaa yeelay waa bil dambiyada la dhaafo. 2- Tan labaad waa inaan baranaa Cilmi ahaan wixii ku saabsan soonka iyo Cibaadka Bishaan ku jira oo dhan sida Ictikaafka,Cumrada, Zakada Fidriga iwm. 3- Waa inaan go'aansanaa inaan ka faaiideysano Bishaan camalada suuban oo dhan ku dadaalnaa. 4- Waa inaan sameysanaa jadwal maalmeed aan ku xisaabino Nafteena oo aan ku xakameynaa. 5- Waa inaan oganaa in Ramadaanku yahay Maalmo kooban oo aysan sahal nagu dhaafin habeen iyo maalinba. 6- Waa inaan u guntanaa inaan ka dhigno halkaan Ramadaan mid u dhigma xaga Ajarka Ramadaano badan, taas oo ku imaan karta inaan uga faaiideysano si walba kaalmo la siiyo masaakiinta , in la afuriyo kuwa aan heysan , in la xiriiro eheladii iyo in waqtiga aad loo ilaashado iwm. 7- Waa inaan Bishan ku weyneynaa aqrinta Quraanka watiga badankiis maadaama Bishaan ay la leedahay Qr'aanka xiriir gaar ah. Waxaa soo diyaariyay Calinuur asadxg@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites