Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo kawada tirsan dowlada oo ku dagaalamay Muqdisho & Khasaaro ka dhashay dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa waxa uu si gaara uga dhacay waaxda 3-aad ee Degmada, kaa oo si gaara ugu dhexeeyay ciidamada Xasilinta iyo kuwa Militeriga ee deegaanka ku ah Degmadaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Xasilinta ay howlgalo amni ka sameynayeen Waaxda, waxa ayna dagaal kala kulmeen ciidamada Militeriga.

Ciidamada Militeriga ayaa ka shakiyay ciidamada Xasilinta oo iyagu hub ka dhigis kawada magaalada Muqdisho, waxa ayna taasi dhalisay in ciidamada Militeriga ay rasaas ku bilaaban ciidamada Xasilinta.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan, iyadoo inta la xaqiijiyay ay ku geeriyooden laba ruux oo midi uu yahay Askari iyo Haweene kamid aheyd dadka deeganka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda isku dhaca ciidamada tan iyo markii ay dhalatay bisha ramadaan.

Dhinaca kale, Hay’adaha amaanka Dowlada ayaa dhowr jeer kadigay in lala dagaalamo ciidamada dowlada xiliyada ay ku guda jiraan howlahooda amni.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this