Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka: Howlgal looga fasax qaatay DF Somalia ayaan ka fulinay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in howlgal looga fasax qaatay dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidamadeeda ka fuliyeen degaano ka mid ah maamulka Puntland.

Qoraal kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ayada oo lala shaqeynayo dowladda federaalka Soomaaliya ay duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyeen meel 26 mile u jirta Koonfurta Galbeed ee magaalada Boosaaso.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 argagixiso.

Qoraalka laguma sheegin in weerarkan lagala tashaday maamulka Puntland, hase yeeshee sida ka muuqata qoraalka waxaa la weydiiyey kaliya dowladda federaalka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in weerarka aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah.

AFRICOM waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Mareykanka, loona baabi’iyo argagixsada.

Tani waxaa qeyb ka ah, ayaa lagu yiri qoraalka, in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom lagula midoobo howlgallada ka hortagga argagixisada, lana beegsado goobaha ay ku tababartaan ee Soomaliya iyo gobolkaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this