Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Somalia oo Malyan Doollar siisay somaliland si loo caawiyo deegaanadii Fatahaaduhu…

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland-Hal-Milyan-Dollar-1.jpg?resizMuqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Somalia ahna gudoomiyaha Guddiga qaran ee Gurmadaka Fatahaadaha, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in dowladda Federaalka Somalia $1,000,000 (Hal Milyan oo Doolar) ugu deeqday deegaannada fatahaaduhu saameeyeen ee Golalada Waqooyi ee Somalia oo loo yaqaan Somaliland.

Mudane Mahdi Guuleed iyo xubno wasiirro ah oo oo Saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka hadlay hadlay dhibaatooyinka jira isaga oo codsaday in shacbiga Soomaaliyeed ay ka qayb-qaataan u gurmadashada dadka walaalahood ah ee dhibaatadu gaartay.

“Hal milyan oo Doollar oo gar-gaar ah ayaa Dawladda Somalia ugu deeqday deegaannada goballada Waqooyi [Somaliland] ee fatahaadaha iyo duufaantu saameeyeen,” ayuu yiri Mudane Guuleed.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Somalia ayaa sidoo kale sheegay in Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaaduhu ay meel wanaagsan marsiinayaan dadaallada loogu gurmanayo dadkii dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadda Wabiyada iyo Roobabka.

Dhanka kale, Gargaarka Maanta loogu deeqay Somaliland ayaa ka badan kuwii loogu deeqay maamullada kale ee dalka ka jira qaarkood, sida gobolka Hiiraan oo ay saameyn xooggan ku yeesheen fatahaadihii qaybo ka mid ah dalka ku dhuftay.

Ugu dambeyn, Waxaa kaloo gargaarkan uu ka badan yahay midkii Dowladdu geystay deegaanno ka tirsan gobolka Gedo oo ay iyaguna dhibaato xoog leh u geysteen fatahaadaha, halka Puntland aan weli Dowladu wax Dhaqaale ah ugu deeqin.

Somaliland-Hal-Milyan-Dollar-2.jpg?resiz Somaliland-Hal-Milyan-Dollar-3.jpg?resiz Somaliland-Hal-Milyan-Dollar-4.jpg?resiz

PUNTLAND POST

The post DF Somalia oo Malyan Doollar siisay somaliland si loo caawiyo deegaanadii Fatahaaduhu… appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this