Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab kuma illowdo: 2 nin oo loo gowracay arrin ay sameeyeen 6 sano ka hor

Recommended Posts

Deeq A.   

Buula Burte (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa dhawaan gowracday laba nin oo dhallinyaro ah oo ku noolaa Magaalada Buura Burte ee Gobolka Hiiraan.

Haddaba waxaa soo baxayo faahfaahin ku saabsan gowracaas iyo waxa ay ahaayeen labada nin ee Al-Shabaab gowraceen.

Sida xogta lagu helay labadaan nin ayaa ka tirsanaan jiray Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan, waxayna isaga baxeyn muddo hadda laga joogo 6 sano.

Labadaan nin ayaa ku noolaa degmada Buula Burte iyadoo aan ka tirsaneyn ciidamada dowladda muddo badan, waxayna dhawaan ku laabteen tuulada Weylo-Wad oo u dhow Buula Burte.

Xarakada Al-Shabaab ayaa ka warheshay labadaan nin, waxaana laga afduubtay tuulada ay qoyskooda kula noolaayeen ee Weylo-Wad.

Shabaab ayaa ugu dambeyntii labadaan nin ku gowracday tuulada kale ee la yiraahdo Yasooman, waxayna u dhinteen ciidamada dowladda oo ay muddo ka tirsanaan jireen.

Waxaa muuqato inaysan Shabaab hilmaameyn askarta dowladda iyo dadka aad ku raadjoogaan, maadaama ay gowraceen laba nin oo 6 sano ka hor ka baxay Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Caasimadda Online ayaa isku dayday inay hesho magacyada labadaan nin balse ma aysan noo suurta gelin .

Maalmo ka hor ayey aheyd markay Shabaab Muqdisho ku dileen askari ka tirsanaa dowladda Soomaaliya oo ay ku sheegeen inuu muddo ka hor dilay nin ka tirsanaa Al-Shabaab.

Xarakada Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyey xoojisay dilalka ay ka geysaneyso Soomaaliya, weliba si gaar ah waxay xoogga u saartay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this