Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Furay Shirka Amniga Qaranka ee lagu Qabanayo Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka_Amniga_Baydhabo-Somalia.jpg?resiz
Baydhabo (PP) ─
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor-dhaw Baydhabo ka furay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka qayb-galaan madaxda dalka, Maamul-goboleedyada, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo maamulka gobolka Banaadir.

Tan iyo saakay waxaa socday kulammo gaar ah oo ay yeelayeen guddi gaar ah oo u gogol-xaarayay ajandayaasha shirka looga hadlayya, waxaase ugu dambeyn uu Madaxweynuhu shirkan furay duhurnimadii maanta.

Qodobbada shirkan looga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah; Amniga Dalka, Hanaanka doorashooyinka 2020-ka, Federaaleynta, isku-dhafka Ciidamada, Tayeynta Dastuurka iyo Qodobo kale oo ay ku jirto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale, Shirkan ayaa noqonaya kii ugu adkaa ee ay isugu yimaadaan Golaha Amniga Qaranka oo ay xubno ka yihiin Madaxda dowladda Somalia, kuwa maamul-goboleedyada iyo Hoggaanka Gobolka Banaadir.

Dhanka kale, Arrinta ay diiradda saari doonaan madaxda shirkaan ka qayb-galaya oo xilligan xurguf siyaasadeed u dhaxeyso ayaa noqonaysa sidii ay u mideyn lahaayeen ciidamada dowladda Somalia, si Al-shabaab looga saaro dhammaan dalka oo dhan.

Ugu dambeyn, Shirkan ayaa loo diiday inay saxaafaddu ka qayb-gasho, taas oo keentay inay si aad ah wariyeyaashu uga cawdaan sida madaxda shirkan ka qayb-galaya ay ula dhaqmeen.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Furay Shirka Amniga Qaranka ee lagu Qabanayo Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this