Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Tirada Qaraxyada Bishii May ka dhacay Muqdisho & Qaar kamid ah magacyada Saraakiisha lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online)- Qaraxyo kala duwan ayaa bishii May 2018 ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Qaraxyadan oo khasaaro kala duwan geystay ayaa galaaftay nolosha muwaadiniin aan waxba galabsan.

Qaraxyada Bishii May ka dhacay Muqdisho ayaa tirro ahaan ka yar Qaraxyadii dhacay bishii kasii horeysay, waxaana xusid mudan in Qaraxyada dhacay May ay yihiin 11 Qarax.

Qaraxyada dhacay Bishii May 2018 ayaa u badnaa kuwa lagu xiro gaadiidka raaxada oo ay leeyihiin shaqaalaha iyo ciidamada dowlada.

HOOS KA AKHRISO QARAXYADA BISHII MAY 2018 KA DHACAY MUQDISHO:

1-May 4, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-shabaab ayaa Bam gacmeedyo ku weeraray Saldhiga  degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

2-May 6, 2018, Qarax Gaari lagu xiray ayaa waxa uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Isgoyska Maana booliyo ee Gobolka Banaadir, waxaana loogu xiray Xubin ka tirsan Jaaliyada Yemeniinta ee jooga Muqdisho, kaa oo lagu magacaabi jiray Cabdala Axmed Cabdala Sheekh Nuur ‘’Codey’’oo geeriyooday.

3- May 8,2018, Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Hoobiyayaal ku weeraray Xarunta Xisbiga ee Degmada Wardhiigley oo hadda Xarun ciidan u ah Ciidamada NISA iyo kuwa Xasilinta Caasimada.

4- May 12, 2018, Maleeshiyada Alshabaab ayaa weerar Hoobiyayaal ah ku qaaday Saldhiga uu Turkiga ku leeyahay duleedka magaalada Muqdisho.

5- May 16, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Bamgacmeed ku weeraray Guriga Guddoomiyihii hore ee degmada Hawlwadaag Maxamed Abuukar Jacfar.

6- May 16, 2018, Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa Bam gacmeed ku weeraray Xarunta Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay Khasaaro kala duwan.

7- May 19, 2018, Qarax lagu xiray Gaari ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafada loo yaqaan Tarabuush, waxaana gaariga loogu xiray Sarkaal sare oo katirsan Ciidanka uu Tababaro Mareykanka ee loo yaqaano Bangraft, kaa oo lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cadoow (Cali Raage), oo u dhintay dhaawac soo gaaray.

8- May 21, 2018, Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Qarax nooca dhulka lagu aaso waxa ay la eegteen gari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda xilli uu marayey meel u dhow Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho.

9- May 28, 2018, Qarax lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah oo uu watay Askari ka tirsanaa dowlada ayaa waxa uu ka dhacay isgooska Maana booliyo degmada Shibis ee gobolkan Banaadir, waxaana ka badbaaday Askariga wadaha ahaa.

10- May 28, 2018, Maleeshiyaad ka tirsanaa al-Shabaab ayaa Bam gacmeedyo ku weeraray Xarunta Wasaarada Gaashandhiga xili halkaa ay ku sugnaayeen Saraakiil ciidan, waxaana Bambooyinka lagu dhuftay Koontaroolka laga galo Xarunta.

11- May 29, 2018,  Maleeshiyaad ka tirsanaa al-Shabaab ayaa Bam gacmeedyo ku weeraray ciidamo ka tirsanaa Xasilinta oo ka howlgalaayay Carwo Iidka oo ku dhaw isgoyska Baar-ubax ee Gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, Qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa intooda badan lala eegtaa Gaadiidka dowlada iyo kuwa shaqaalaha, waxa ayna u badan yihiin Bam gacmeedyo iyo kuwa lagu xiro gaadiidka.

Caasimada Online

Xafiiska Baydhabo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this