Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo gubay 11 Gaari xamuul ah & Ganacsato dhowr ah oo ay ku jiraan kuwo caana oo la toogtay (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ay toogasho ku dileen Lix ruux oo ganacsato caana ay ku jiraan.

Maleeshiyada ayaa dilka kadib gubay 11 gaadiid xamuul ah oo ka anbabaxay magalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Gaadiidkan ayaa la gubay xili ay marayeen inta u dhaxeysa Xudur iyo deegaanka Qurac Joome, iyadoo maleeshiyadu ay ku qabsatay weerar la sheegay inuu ahaa dhabagal.

Mid kamid ah Ganacsatada ay u rarnaayeen Gaadiidka ayaa xaqiijiyay in 2 kamid ah gadiidka waddada loo galay ay dib ugu soo laabteen magaalada Beledweyne, iyadoo sidoo kale dab la qabadsiiyay 11 kale oo ay wada socdeen kuwa ay dabka qabadsiiyeen al-Shabaabka.

Lixda ruux ee la dilay marka laga soo tago dadkii kala ee la socday gadiidkan xamuulka ah ayaa la sheegay inay u firxadeen dhulka howdka ah ee ka agdhaw halka uu weerarku ka dhacay.

Ganacsato caan ka ah deegaanka Xudur ayuu sheegay inay ku jireen kuwa furxaday iyo kuwa la dilay.

Sidoo kale, Gaadiidka la gubay oo noocooda ahaa kuwa xamuulka ee waaweyn ayaa waday allaabo u rarnaa qaar kamid ah Ganacsatada Xudur.

Dhinaca kale, Saraakiisha amaanka maamulka Hiiraan ayaa sheegay in la baadi-goobayo ragga ku firxaday Howdka ee la socday gaadiidka.

Caasimada Online

Xafiiska Beledweyne

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this