Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Baydhabo iyo shirar gooni gooni ah oo u socdo Farmaajo iyo Maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimadda Online)- Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ka socdo shirar goono gooni ah oo u dhaxeeyo madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha iyo madaxda maamul Goboleedyada ayaa si wadajir ah ugu afuray xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Sida qorshaha yahay madaxweyne Farmaajo ayaa caawa illaa berri kulamo goono gooni ah la qaadan doono madaxda Maamul Goboleedyada si looga wada hadlo mugdiga soo kala dhex galay maalmihii ugu dambeeyey.

Madaxweynaha ayaa madaxda Maamul goboleedyada ka dhageysan doono tabashada ay qabaan waxaana la filayaa in heshiis laga gaaro.

Shirkii amniga oo uu shir guddoomin lahaa Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta dib u dhacay waxaana la filayaa inuu Berri si rasmi ah u furmo.

Waxaa magaalada Baydhabo ku sugan dhammaan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya? Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Ra,Isulwasaaraha iyo madaxweyne Farmaajo.

Wixii kusoo kordho shirarka socdo waan idiin soo gudbin doonaa Inshaa Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this