Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku Wajahan Baydhabo iyo Shir halkaasi ka Furmaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Puntland, Gal-Mudug, Hir Shabelle iyo Jubbaland ayaa ku wajahan Goordhow magaaladaasi Baydhabo.

Galinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in magaaladaasi uu ka furmo shirka amniga qaranka.

Qaban qaabada shirkaan ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Amaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray wadooyinka soo gala Xarunta uu shirka ka dhacayo.

Baryihii ugu dambeeysay waxaa  jiray khilaaf u dhaxeeya Madaxda dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post

The post Madaxda Maamul Goboleedyada oo ku Wajahan Baydhabo iyo Shir halkaasi ka Furmaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this