Deeq A. Posted June 3, 2018 Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa faah faahiyay shirka amniga qaranka looga hadlayo ee maanta ka furmayo Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay. Madaxweyne Shariif Xasan oo Maamulkiisa uu marti galinayo shirkaasi ayaa sheegay in shirka uu maanta furmayo islamarkaasina madaxda ay soo gaarayaan Baydhabo. Waxa uu sheegay in shirkaasi oo ah mid muhiim ah looga hadli doono Amaanka guud ee dalka Soomaaliya. Shariif Xasan Ayaa ugu baaqay madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada in shirkaasi is afgarad uu ku dhmaado. Wali ma cada madaxda dowlada shirkaasi ay u wakiilatay oo ka qeeybgalaya hayeeshee waxaa la shaaciyay in wakiilo ka socdo dowlada Soomaaliya in ay shirkaasi ka qeeybgali doonaan. Tan iyo markii uu soo bilaawday qilaafka u dhaxeeya madaxda dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada ma jirin madax ka socotay dowlada Soomaaliya oo ka qeeybgalay shirar ka dhacay Kismaayo iyo Baydhabo. Hoos ka Dhageyso Codka http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/06/Shariif-Xasan-Sheekh.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxweyne Shariif Xasan oo Faah Faahiyay Shirka Baydhabo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites