Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Kheyre ‘’Ogaaw Haddii aad tahay Somali la baxay Magafe in dawlada Soomaaliyeed ay tahay Madaasho’’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kulan Afur iyo soo dhaweyn ah la qaatay dhallinyaro Soomaaliyedd oo maxaabiis ku ahaa dalka Liibiya, kuwaas oo dib ugu soo laabtay dalkooda ka dib markii ay u fududaysay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan Ergayga arrimaha qaxootiga u qaabilsan Xafiika Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tripoli.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo u mahed celiyay cid walboo ka shaqaysay in dib loo soo celiyo dhalinyaraddan ku dhibaatay sanayd dalka dibadiisa, ayaa cadeeyay in uu aad uga xun yahay dhibka ku dhacay dhalinyaradda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan. Isgaoona tilmaamay in mas’uuliyinta dalka looga baahan yahay in ay ka foogaadaan musuq maasuqa, in ay dib-u-dhisaan dalka iyo in la iska ilaaliyo waxyaabihii awoodeena daciifyay, si looga shaqeeyo mustaqbalka jiilka soo koraya.

“Haddii aad tahay Soomaali oo aad la baxday Magafe, Waa inaad ogaataa in dawladda Soomaaliyeed ay tahay Madaasho oo ay kaaga daba imanayso meel kasta, caddaaladana ku horgayn doonto. Waxa la rabaa hay’adaha amniga Qaranka inay ka shaqeeyaan sidii loo soo qab-qaban lahaa dadka dhibaateeyey dhillinyaradeena.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ugu dambayntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhallinyaradda Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalkooda uga dhigi lahaayeen wadamadda ay u tahriib tageen, waxuuna u ballan-qaaday in Soomaaliya ay ku socoto dariiqii horumarka, qof walbana ay muhiim tahay in uu qaybtiis ka qaato dib u dhiska dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this