Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Aanadii Negeeye: Sheeko aan duugoobayn

Recommended Posts

Waxa qorey Xasan Xuseen Warfaa

 

 

Shan sanno ka hor markii aan akhriyay sheekada la yaabka leh ee “Mawsimul hijrati ila shimaal” isma aan lahayn sheeko ka qurux iyo qaayo badan ayaad akhriyi doontaa. Afkay doonto ha ku qornaatee. Laba af, laba xadaaradood iyo laba adduunyo oo aad u kala duwan ayuu Dayib Saalaxii soodaaniga ahaa ku guulaystay in uu si sahlan isugu turjumo, isu baro oo saaxiib ka dhigo. Waxa u sahlay qoraagaa in sheekadiisu noqoto mid ka mid ah sheekooyinka ugu caansan dunida waa isaga oo urursaday aqoon baaxad badan oo isu miisaaman. Tii bariga ee uu u dhashay iyo tan galbeedka ee uu wax ku bartay. Waxa uu noqday qoraa dunida oo dhami ka tiiraanyootay laba sanno ka hor markii uu ku geeriyooday London.

 

Inaga dhaaf sheekadaa Dayib oo aan u imanno middan ka dhadhanka iyo macnahaba macaan. Aanadii Negeeye. Sheekadani uma baahna in lagu carshacarsheeyo qoraal kooban oo kan oo kale ah, waxa se aan jantay in aan ka shiisho laba dhinac. Waa midda hore e, xilliga ay ku soo beegantay iyo ta labaad oo ah heerka qoraannimo ee ay matalayso.

 

Soomaaliya labaatan gu ayaan laba isu iman. Wakhti yar ma aha. Malaysia-yada Dr Mahatiir Maxamed ba intaas uunbay garaadka tuujisay. Imikana lagaaga sheekayn maayo. Ninba se dhinac u badi oo Soomaaliyaba waa la yaqaan. Jabka, burburka iyo hoogga jidheed, nafsadeed ama nololeed ee dadka soomaalida ah soo maray waa mid aan ummad dhan oo taariikh ahaan iyo jiritaan ahaanba sidaa isugu qafilan hal mar soo marin sooyaalka casriga ah. Waa kanshe ciddii karaankeeda lihi ka abdaysan karto.

 

Waxa looga faa’iidaysan karaa iyada oo dhigaal laga dhiteeyo waxii dalka iyo dadkaba soo maray dabadeed la isku dayo in la sababeeyo waxii dhacay waxa ay u dhaceen ama la saadaaliyo timaaddadu jihada ay yeelan karto. Waxa halkaa laga abuuri karaa wacyi waxtar leh oo lagu qulaamiyo baraarugga siqiiray ee dhallinyarta soomaalida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this