Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi oo shan qodob ka yiri muuqaalkii Al-Shabaab ee sida ay dadka u dilaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, oo horey usoo noqday taliyaha hay’adda nabad-sugidda qaranka, ayaa bartiisa facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo muuqaalkii Al-Shabaab ay soo bandhigeen ee muujinayey sida ay dadka u dilaan. Haddaba hoos ka aqriso qoraalka.

Axmed Macallin Fiqi

Waxaan daawaday video argagax & arxan-darro ay ka muuqato oo ay kooxda argagixisada Alshabaab ka soo duubtay dilal ay u geysanayso saraakiil ciidamada ah, ergooyinkii ka soo qeybqaatay doorashooyinka xildhibaanada sanadkii 2016-ka & qaar ka mid madaxda degmooyinka Muqdisho .

Marka laga soo tago ujeedka & fariinta video-gaas ay kooxda AS ka leedahay oo isugu jiri kara: xayaysiin, argagax gelin, muujinta awoodooda & in ay nidaamka dawladnimada dalka & ciddii la macaamishiba cadow u arkaan, waxaa uu video-gaas banaanka soo dhigay in amniga iyo ka ganacsiga amnigu ay sabab u noqonayso in dadku ay dhamaadaan, shabaabna ay dhoolatusyadooda iska sii wataan.

1. Haddii ciidamadii ay dadaalkoodii u danbeeyay bixinayaan, haddana mashruuca IGU SAWIR-ta Alshabaab uu sidaas dharaar cad u shaqaynayo, waxaa mudan in wax la iska weydiiyo halka wax ka qaldan yihiin & cidda mas’uuliyaddaas leh!

2. Dad qaar ayaa marka ay dhaliilayaan ciidamada AMISOM waxqabadkooda dhaha “ma rabaan in dalka Alshabaab laga dhammeeyo waayo shaqadooda ayaa dhamaanaysa markaas” haddaba, haddii amnigii dalku uu noqday mashruuc madaxda qaarkood u xilsaaran amniga ay qandaraasyadiisa qaateen, bishiina dhowr boqol oo kun oo doolar, ama mararka qaarkood malaayiin ay ka faa’idaan, laga soo bilaabo istaambada qoryaha lambarada ku qorta ee wasaaradda amniga taalla, raashinka iyo shidaalka ciidanka, illaa iyo booyadaha biyaha daadadku keeneen daabula, hoteelada & baabuurta marar qaar la kireeyo, marka wax ay dhacaan ay midabka tuutaha un soo bedelanayaan oo aan cidna wax laga weydiinayn, oo igu sawirta Alshabaab ay ka xoog badato tii kale, markaan waxaa waajib noqonaysa in isbedel degdeg ah la sameeyo, si umadda looga badbaadiyo bahalnimada kooxda aragagixisada.

3. Waxaa dhanka kale video-gaas uu kashifay tayada mas’uuliyiinta xilalka loogu dhiibo “ii raadiya qof aan waxba noo dhimayn (caana ma daadshe)” taasina ay keentay in dhibkii ay iska fogeeyeen madaxda dalku uu wax-ma-tirihii kala dul dhaco shacabkii iyo madaxda sumcadooda sida hadda video-gaas muujinayo.

4. In video-yada arxan-darrada ah ee noocaan ah ee argagixisadu xayaysiinta ku samaysanayso, marka ay soo baxaan la dalbado in youtube-ka laga saaro, sida ay dawladda Kenya horey u samaysay oo kale.

5. Ugu danbeyn, waxaa haboon in arrinta video-gaan aragagaxa leh, in si fiican loo dul istaago, waxna la iska weydiiyo, waayo haddii arrintani sii socoto waxey keenaysaa in la aamini waayo hadalka madaxdeenu ay ku celceliyaan ee amniga ku saabsan, waayo waxaa ku marqaati kici doona video-yada ay maalinta cad magaalada dhexdeeda isaga soo duubayaan Alshabaab ayagoo saraakiil iyo dad Soomaaliyeed si arxan darra u laynaya.

Waxaan xanuunka la qaybsanayaa eheladii dadka Soomaaliyeed ee kala duwan ee qaranka u shaqaynayey ee magacyadooda iyo sawiradooda lagu soo bandhigay video-gaas, Allaha u wada naxariista, adinkana sabir & iimaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this