Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland ma waxaa haya cabsi mise jahli? (Maxay u caadeysatay arritan?)

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulahi Yuusuf ayaa shalay sheegay in weerarkii degaanka Balli-Khadar ee saldhigga Ciidamada Badda Puntland lagu soo qaaday uu hoggaaminayey Sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland oo uu magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdulllaahi (Bataar) kana tirsan guutada 8-aad ee ciidanka maamulka Somaliland.

Si kastaba, sida la wada ogyahay ee aan akhbaaraadka saxda ah ku hayno, waxaa weerarkaas ka dambeeyey kooxd Al-Shabaab ee degaanada Puntland ka howl-gasha, gaar ahaan gobolka Bari, Somaliland-na wax shaqo ah kuma lahan. Sidoo kale kooxda Al-Shabaab ayaa iyana si rasmi ah u sheegatay weerarka.

Haddaba maxay Puntland ugu eedeysay Somaliland?

Hadalka Puntland wuxuu u dhacayaa hal meel oo ah, in Al-Shabaab iyo Somaliland ay yihiin mid, sida ay dooneyso inay inoo sheegto, ama in Somaliland ay taageereyos kooxda Al-Shabaab, inkasta oo eedeynta noocaas ah aan loo hayn wax caddeyn ah oo lagu taageero.

Waxaa xusid mudan in markan aysan ahayn markii ugu horreysay ee Puntland dagaal ay la gashay maamull kale ay ku eedeyso al-Shabaab. Markii ay Gaalkacyo ku dagaalameen Galmudug iyo Puntland, wuxuu maamulka Garoowe sheegay inay weerar kusoo qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab, inkasta oo dadka dhan wada ogaayeen inay maleeshiyo beeleed reer Galmudug ah ay dagaalka kula jireen.

Fuleynimo iyo Jahlinimo?

Waxaan fahmi weynay waxa Puntland ku qasbaya in dadkii la dagaalamaba ay Al-Shabaab ka dhigto? Waxaa xusid mudan in Puntland ay dooneyso in beesha caalamka ay u muujiso inay la dagaalameyso argagixiso. Ma waxa ay caalamka ka dooneysaa in sidaas lagu taageero, maadaama reer galbeedku dagaal kula jiraan argagixisada, oo Puntland waxaa haysa cabsi ah in laga adkaado?

Inkasta oo qeexista hore ay macquul tahay, waxaa sidoo kale macquul ah in Puntland uu hayo jahli siyaasadeed, oo aysan ka war-hayn in reer galbeedku aysan iska aamineyn hadal Puntland, oo ay leeyihiin sirdoon ayaga u shaqeeya, oo wararka ay ka qaataan. Puntland ha ogaato in wixii ayada la dagaalaba aysan ahayn Al-Shabaab, sidaasna aysan tagaeero ku haleyn. Soomaalida iyo caalamka oo idil waa ka dharagsan yihiin xaqiiqda dagaal kasta oo dhaca iyo cidda ku lugta leh.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this