Deeq A.

Mogadishu becomes murder capital of Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Iyadoo ay sii kordhayaan dilalka joogtada ah ee maalmahan ka jiray magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa magaalada ka dhacay dilalkii ugu badnaa ee habeen kaliya dhaca.

Ugu yaraan lix qof oo ay ku jirto haweeney ayaa caawa siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood.

Dilka hore ayaa ka dhacay isgoyska Bakaaraha caawa xiligii afurka ka dib markii rag bastoolado ku hubeysan ay halkaas ku toogteen labo wiil oo ka mid ah dhalinyarada rarta gaadiidka BL-ka ah, lamana oga illaa hadda sababta ka dambeysay dilkooda, kooxihii ka dambeeyeyna markiiba wey baxsadeen sida ay ku warameen dad goob joogayaal ah.

rag bastoolado ku hubeysan ayaa sidoo kale xaafada suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid waxay ku toogteen labo wiil oo dhalinyaro ah kuwaasoo isla goobtii ku geeriyooday.

Ma cadda sababta loo dilay wiilashan iyo waxa ay ahaayeen, waxaana goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyey.

Sidoo kale, Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ayaa iyana sheegaya in nin darawal ka ahaa gaadiidka BL-ka halkaasi lagu dilay, waxaana sida dad goob joogayaal ahi sheegayaan ka dambeeyey dilkiisa askari ka tirsan ciidamada dowlada oo baxsaday.

Haweeney ayaa sidoo kale caawa lagu dilay xaafada Siigaale oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in haweeneydan ay ka tirsaneyd shaqaalaha dowlada.

Laamaha amaanka dowlada Somalia iyo maamulada degmooyinka ay dilalku ka dhaceen ayaan ka hadlin falalkan, iyadoo dowlada Somalia ay u muuqato iney xal u la’ dahay dilalka qorsheysan ee ku soo badanaya caasimada.

Dilalka caawa ayaa ku soo aadaya xili maanta oo kaliya siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada afar qof oo kale, waxaana labo ka mid ah oo ka tirsanaa askarta dowlada iyo qof shacab ah lagu dilay Suuqa Bakaaraha, halka qofka afaraad oo darawal ka ahaa mooto bajaaj uu ku dhintay rasaas ay isweydaarsadeen ciidamada dowlada dhexdooda, waxaana marka  isu geeyo tirada maanta illaa caawa la dilay ay isku noqoneysaa toban qof.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

This is one problem that will surely derail Mogadishu's development in the future. The government must bring this crisis under control. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
cadnaan1   

It is known that terrorist shabaab always increases its attack on civilian the month of Ramadan but the government was never ready to protect the public.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.