Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo weerarkii Balli-khadar ku eedaysay Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Amniga dowladda Puntland,Axmed Cabdullaahi Yuusuf Cabdulle(Dowlad) oo duhurnimadii maanta  shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay weerarkii xalay lagu qaaday ciidamada Badda Puntland ee ku sugan degaanka Balli-khadar ee buuraha Calmadow.

Wasiirka ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe  koox ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada Somaliland oo is-garabsanayaa ay weerar ku soo qaadeen  saldhigga Balli-khadar ee ciidamda Badda Puntland ay ku leeyihiin buuraha Calmadow,hase yeeshee jab xooggan loo geystay malayshiyaadkii halkaasi soo weeraray.

Axmed Cabdullaahi (Dowlad),Wasiirka Amniga Puntland ayaa sidoo kale sheegay in malayshiyaadka is-baystay ee weerarka soo qaaday uu hoggaaminayey,Maxammed cabdullaahi Bataar oo ka tirsan guutada 8 aad ee militariga Somaliland,islamarkaana deggan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Dowladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabka Puntland,umadda Soomaaliyeed,iyo Beesha caalamka,in xalay oo bisha 2 June ahayd 2018,saqdii dhexe in argagixisada caalamiga ah ee Al-shabaab iyo malayshiyaadka Hargeysa oo ay hoggaaminayaan saraakiil ka tirsan malayshiyaadka Hargeysa,Saraakiishaas oo uu kamid yahay sarkaalka lagu magacaabo Maxammed Cabdullaahi Bataar,kana tirsan guutada 8 aad ee maamulka Hargeysa,una dhashay beesha Isaaq/Habar-jeclo,islamarkaana deggan magaalada Ceerigaabo,xalay ay weerar ku soo qaadeen saldhigga Balli-khadar ee Puntland halkaasna ay kala kulmeen jab xooggan dhimasho bandanna ay ka soo gaartay”, ayuu yiri Wasiir Dowlad.

Dhinaca kale wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Puntland uu soo gaaray khasaare kooban,islamarkaana si geesinimo iyo sharafleh isaga difaaceen weerarka lagu soo qaaday”waxaa soo gaaray ciidanka Puntland khasaare kooban,si geesnimo leh,sharafleh ayeyna isaga difaaceen,isagana caabbiyeen”,ayuu raaciyay.

Wasiirka Amniga dowladda Puntland oo hadalkiisa sii wata,ayaa sheegay in malayshiyaadka Al-shabaab iyo ciidamada Somaliland ay isku milmeen,kana midaysan yihiin waxyeellaynta iyo degga’naansho la’aanta umadda Soomaaliyeed,sida uu hadalka u dhigay.

Waxaan sidoo kale u xaqiijinaynaa,umadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka,in maamulka Hargeysa iyo argagixisada caalamiga ah ay isku milmeen,kana midaysan yihiin waxyeellaynta iyo degga’naansho la’aanta umadda Soomaaliyeed dhammaantood,marka laga reebo maamulka Hargeysa”,ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Wasiirka Amniga dowladda Puntland,Axmed Cabdullaahi Yuusuf Cabdulle(Dowlad) ayaa ugu dambeyn weerarkii xalay ku macneeyay qorshe ay Somaliland indhaha Caalamka uga jeedinayso,xasuuq iyo cabburin uu sheegay in ay ku hayaan shacabka gobolka Sool,isagoo ku hanjabay in Puntland ay Calmadow ka sifayn doonto,malayshiyaadka Al-shabaab iyo Somaliland.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id ee Wasiirka.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan

The post Puntland oo weerarkii Balli-khadar ku eedaysay Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this