Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in dagaalkii Balli-Khadar uu hoggaaminayey sarkaal Somaliland ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay  ka soo baxayaan dagaal u dhexeeyay ciidamada bada puntland iyo dagaalamayaasha Al-shabaab,kaasi oo ka dhacay buuraleyda galgala ee gobalka Barri.

Saraakiisha Amaanka ee Maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyeen dagaal ka dhacay galgala,islamarkaana waxaa ay tilmaamay in ay khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Balse Saraakiisha ma sheegin khasaaraha ay gaarsiiyeen Al-Shabaab,hayeeshee waxaa uu tilmaamay in dhankooda uu khasaare ka soo gaaray dagaalkaasi.

Weerarkaas ayaa waxaa ka jawabay Maamulka Puntland iyaga oo ku eedeeyey in ay ka dambeeyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Soomaaliland.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulahi Yuusuf ayaa sheegay in weerarkaas Saldhigga Ciidamada Badda Puntland lagu soo qaaday uu hoggaaminayey Sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliland oo uu magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdulllaahi (Bataar) kana tirsan guutada 8aad ee Ciidanka Maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay in weerarkaas ay Puntland ku gaarsiisay cadawgii soo weeraray jab xooggan,isla markaana lagu doonayay in lagu hakiyo qorshaha Puntland ay kula wareegeyso deegaanada Gobolka Sool.

Dhanka kale War ay baahiyeen Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegeen in dagaalkaasi ay ku dileen 7 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland,islamarkaana ay ka qaateen 7 ka mid ah gaadiidka dagaalka.

Al-Shabaab iyo daacish ayaa xiligan waxaa ay ku xoogan yihiin buuraleyda galgala ee gobalka barri,iyadoona mararka qaar weeraro culus ku soo qaada ciidamada Amaanka puntland ee ku sugan buuraha galgala ee gobalkaasi.

Hayeeshee dhawaan ayay aheyd markii Maamulka Puntland uu sheegay in saldhig weyn oo lagula dagaalamayo al-shabaab ay ka furi doonaan buuraha calmadow ee gobalka barri.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this