Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo shaacisay tirada Puntland uga dhimatay dagaalkii Balli Khadar iyo gaadiidka laga qabsaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimadda Online) – Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay fiidkii weerar xoog kugal ah ku qaaday saldhig melleteri oo ciidamada maamulka ‘Puntland’ ay ku lahaayeen duleedka Boosaaso.

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal xooggan kadib ay xoogaga Al Shabaab usuurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta Deegaanka Balli Khadar oo uu kuyiillay saldhig Melleteri.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu ay cagta mariyeen saldhigga ayna qaatay  dhammaan wixii hub iyo gaadiid ahaa oo ciidamada Puntland ku heysteen saldhigga Balli Khadar sida ay hadalka u dhigeen.

Khasaaraha dhimashada ee ka dhashay weerarka ayaa lagu sheegay  in ay u dhaxeyso 5 askari illaa 7 askari oo dhimasho ah, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay sheedda sare ka arkayeen gaadiid gubanaya.

Shabaab waxay sheegtay in dagaalka ay ku qabsatay 8 gaari oo nuuca dagaalka ah balse ay gubtay 7 baabuur halka gaari Tiknika ah ay kaxeysteen, sidoo kale Keydadkii hubka ciidamada Puntland ee saldhigga Balli Khadar waxaa daabushay ciidamada Al Shabaab ee ka howlgala Buuraha Goolis sida ay iyaga sheegteen.

17,Ramadaan sanaddii lasoo dhaafay maanta oo kale ayay aheyd markii sidaan oo kale ay ciidamada Al Shabaab weerareen saldhig melleteri oo kuyiillay deegaanka Af Urur ee gobolka Bari halkaas oo Puntland looga dilay ku dhowaad 100 Askari sida ay sheegatay Al-Shabaab.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this