Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig ciidan oo ku yaalla Gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)-Maleeshiyaad ka tirsan al-Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhigga Ciidamada Badda Puntland ee ku yaalla degaanka Bali Qadar ee  Gobolka Bari.

Weerarka oo aad u xooganaa ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada Puntland.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa Saldhiga ka weerartay dhowr Jiho waxa ayna dagaal kala kulmeen ciidamada maamulka, gaar ahaan kuwa degan Saldhiga.

Khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ayaa ka dhashay weerarka, waxaana lasoo sheegayaa in khasaraha ugu badan uu gaaray ciidamada Puntland oo looga hormaray weerarka.

Inta la ogyahay ilaa Lix qof ayaa ku dhintay weerarka, halka tirro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Maleeshiyada al-Shabaab oo dagaalkaan kasoo saaray warbixino kooban ayaa sheegay inay ka gaareen dantii ay ka lahaayen weerarka, isla markaana ay cagta mariyeen Saldhiggii ciidamada Puntland ee degaanka Balli qadar, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, Maamulka iyo Saraakiisha Puntland ayaan weli ka hadal weerarka inkastoo ay ku howlan yihiin weerar rogaal celis ah.

Dhinaca kale, weerarka ayaa kusoo beegmaaya xili gudaha asbuucii tagay ay al-Shabaab soo bandhigeen sida ay unugyadooda ku sugan Gobolka Bari u noolyihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this