Sign in to follow this  
Deeq A.

5 arrin oo muhiim oo aan ka barannay muuqaalkii dadka dilka ee Al-Shabab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa habeen hore baahiyey muuqaallo ay ka duubeen dadka shacabka ah iyo kwa kale ee ay ku dilaan Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka. Wuxuu ahaa muuqaal aad u argagax badan.

Dad badan oo Soomaali ah oo ka daawaday inta badan facebook, ayaa aad uga carrooday, oo dareenkooda muujiyey, waase sida ay Shabaab rabaan in dadka ka hadlaan ayaga, kadibna iska iloobaan oo aan waxba laga qaban karin.

Markaan eegnay muuqaalka waxaa inooga baxay shanta arrin:

1 – In Al-Shabaab ay fahantay in hal qarax oo ay fuliso uu uga sahlan yahay inay 20 weerar oo dilal qorsheysan ah geysato. Xusuusnow, kooxdan waxay dooneysaa kaliya inay shacab disho, kalamana jeclo qaaabka ay u disho. Sidaas darted waxay garowsato in waqti iyo qarash badan ay u baahan tahay in qarax la fuliyo, lagana yaabo inaysan dad badan ku dhiman, waxayna u weecatay inay dadka hal hal u disho. Ramadaanka sidii u billowday waxay dileen ku dhowaad 60 qof.

2 – In Ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu faraha kasii baxayo, hay’adaha amniguna u miuuqdaan kuwa aan ka damqaneyn waxa socda, ama haddii dareen dhibayo uu jiro, aysna lahayn awood ay wax uga qabtaan dhibaatada socota. Sidaas darteed, isha un ayay ka daawanayaan.

3 – In Al-Shabaab ay maalinba maalinta ka dambeysa sii haleyso kalsooni xad dhaaf ah, oo maanta awooddoodu mareyso heer qof kasta oo ay dilayaan ay muuqaal kasoo duubaan, halka waagii hore ay orod inta wax ku dilaan carari jireen.

4 –  In Al-Shabaab, oo sid ay sheegto dooneysa inay dalka qabsato maamusha, aysan wax rajo dambe ah ka lahayn inay taageero ka hesho shacabka. Xusuusnow waxaa jirtay waqti kooxdan dad badan taageeri jireen, hase yeeshee maanta xitaa haddii aan dhahno waxaa taageero 95% shacabka, waxay u badan tahay inaan been sheegeyno. Sababtoo ah, haddii ay shacab rajo ka leedahay, sidaan uma gumaadeen.

5 –  In Kooxdan tahay koox arxan darran, oo aan diin Islaam wax shaqo ah ku lahayn, hadafkooduna yahay inaysan dowlad la dagaalamin, balse ay gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this