Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo howlgal uu duleedka Muqdisho ka fuliyey ku dilay 12 qof

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn  Shalay ka dhacday Duleedka Magaalada Muqdisho oo ay geysteen Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka Africa ee Africom ayaa lagu sheegay in Gantaalo lagu dhuftay Meel Qiyaastii 30 Mile Muqdisho uga toosan Koofur Galbeed.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in  Duqeynta lagu dilay 12 Kamid ah Dagaalyahanada Shabaab oo ku sugnaa Goobta diyaaradaha ay Bartilmaameedsadeen, Waxa ay sidoo kale sheegeen in Weerarka ay kaalin ka qaateen Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee Dowladda Somaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay iney qiimeyn ku sameysay bal in dad Shacab ah ay khasaare ka soo gaartay Duqeynta, Iyagoo sheegay ineysan jirin Cid Shacab ah oo waxyeelo ay soo gaartay.

Mareykanka ayaa sheegay iney sii wadayaan Weerarada ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada, ayna u adeegsanayaan Awood kasta si meesha looga saaro, Loona ilaaliyo Muwaadiniinta Mareykanka ah ee Gobolka ku sugan.

Waxa ay sheegeen in meelaha ay beegsadaan ay yihiin Saldhigyada iyo Xerooyinka ay Ciidankooda ku tababartaan Dagaalyahanada Shabaab iyo Daacish.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this