Deeq A. Posted June 1, 2018 Garoowe (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Magalada Buuhoodle ayaa sheegaya in halkaa galabta lagu wareejiyay Hub, Gaadiid iyo Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka. Hubka, Gaadiidka iyo Ciidamada ayaa lagu wareejiyay Hogaamiye ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar ‘’Camey’’ oo muddo Seddex cisho ah ku sugnaa Magalada Buuhoodle. Ciidamada lagu wareejiyay Camey ayaa tirro ahaan gaaraya 135 Askari iyo Gaaddiidka nooca dagaalka ee Cabdi-Bilaha loo yaqaan. Hubka, Gaadiidka iyo Ciidamada ayaa waxaa wareejiyay mid ka mid ah Beelaha dega Magalada Buuhodle,kadib markii uu ka dalbaday dadka ku nool Buuhoodle in ay ka qeyb qaataan dagaalka ay kula jiraan Somaliland. Camey ayaa Gaadiidka iyo Ciidamada ka gudoomay Oday dhaqmeed matalayey Bulshada ku nool Magalada Buuhoodle kaas oo Magaciisa lagu sheegay Bashiir Osman Waraabe. Hubka,Gaadiidka iyo Ciidamada ayaa lagu biirin doonaa Dagaalka looga soo hosjeedo Somaliland ee ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool. Camey ayaa sheegay in Puntland aysan joojin doonin dagaalka ay kula jirto Somaliland, waa haddii aan Somaliland dib uga bixin Tukaraq. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted June 1, 2018 woow. guul iyo gobanimo. Reer Buuhooodle are not joking around niyoow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dahireeto Posted June 2, 2018 Cabdi-Bile Technikals is the only public property belonging to a clan that is inherited as public property by the next generation of warriors. 1 Quote Share this post Link to post Share on other sites