Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hub iyo ciidan lagu wareejiyay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hub-iyo-ciidan.jpg?resize=960%2C640

Beesha Guuleed Garaad(Barkad) ayaa maanta gaadiid dagaal iyo ciidan ku wareejisay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland,Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey).

Ciidanka ay beeshu wareejisay oo gaaraya 135 askeri ayaa ku hubaysan gaadiid dagaal oo ka kooban afar gaari Tiknika ah iyo hal gaari oo xamuul ah,waxaana gaadiidka dagaal ku deeqay,Bashiir Cismaan Waraabe oo kamid ah ganacsatada beesha Barkad.

Ciidankaan lagu wareejiyay madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa sidoo kale ku hubaysan in ka badan boqol qori oo hubka yar yar ah,kuwaasoo ay kaga qeyb qaadanayaan difaaca xuduudaha Puntland ee lagu soo duulay,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta la kala wareegtay.

Dhammaan waxgaradka,cuqaasha,iyo ganacsatada beesha Guuleed Garaad(Barkad) ee wareejisay hubka iyo ciidanka lagu difaacayo xuduudaha Puntland ayaa cod midaysan ku sheegay in ay diyaar u yihiin wax kasta oo looga soo baahdo,markii ay noqoto difaaca Puntland,iyagoo caddeeyay in ay keeni doonaan hub iyo ciidan kale maalmaha soo socda.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar(Cameey) ayaa ka mahadceliyay ciidanka iyo gaadiidka dagaal ee ay ku deeqday beesha Barkad,isagoo ku ammaanay sida ay safka hore uga galeen difaaca dowladnimada Puntland.

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hub iyo ciidan lagu wareejiyay. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this