Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada amniga oo laba qof ku toogtay Muqdisho kadib muuqaalkii Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xasilinta oo howlgallo ka waday xaafado ka tirsan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir,  ayaa toogasho ku dilay laba nin uu hubeysnaa.

Ciidamada ayaa Xaafada Xoosh ee degamda Dharkenley ka waday howlgalka, waxana intii uu howlgalka socday ay la kulmeen rag hubeysan, kuwaas oo falal amni darro ka waday xaafadda, sida ay goobjoogeyaal sheegeen.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay in ragga hubeysnaa lagu amray in ay hubka dhigaan, balse ay diideen, kadibna la toogtay.

In kastoo maamulka degmada Dharkenley asyan weli ka hadlin dilkaas, ayaa haddana waxaa jirtay cabasho ka timid dadka shacabka ah oo ah rag ku labisan dareeska ciidanka dowladda ay xilliyada habeenkii ay dadka dhacayaan.

Ciidamada xasilinta ayaa habeen ka hor howlgal waxa ay ka sameeyeen waaxda saddexaad ee degmadai Dharlenley, iyaga oo ku soo qabtay 11 Nin iyo hubkii ay wateen.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa Muqdisho ka socday dilal qorsheysan oo ay fulinayaan maleeshiyada Al-Shabaab, oo xalay baahisay muuqaalka dilalka ay gaystaan. Halkan ka arag muuqaalkaas

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this