Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qaybgalay Alle bariga dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya wali ku sugan wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kuwaasi oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kullan la qaatay dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana mas’uuliyiinta labada dal ay ka wada hadleen arrimo ay kamid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan.

Madaxweynaha Dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in ururka Al Shabaab ay sheegtaan Islaannimo balse ay magaca ka dilaan Islaamka.

Wuxuu intaas ku daray in Al Shabaab ay layso dad aan waxba galabsanin.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale ka qeyb-galay, ooka hadlayay kulan duco ah oo Kenya ay qabsato sannad walba, wuxuuna sheegay in ay tahay maalin wayn oo lawada ducaysto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this