Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo & Kenyaatta oo si wada jira u magacaabay Guddi ka shaqeyn doona arrimo muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Dowladaha Somalia iyo Kenya ayaa isla fahmay inay muhiim tahay in lagu shaqeeyo guddi ay si wada jira u magacaaben, kuwaa oo warbixin ka keeni doona xaalada Balad Xaawo.

Talaabada lagu magacaabay Guddigani ayaa waxaa lahaa Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu dhigiisa Kenya u gudbiyay cabashooyin ka jira Balad Xaawo, waxa ayna timid kadib markii Madaxweynaha Somalia iyo Kenya ay kulan ku yeesheen Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Kenyaatta iyo Farmaajo ayaa waxa ay isla garteen  in la sugo ammaanka xudduudaha labada dal si looga hortago in waxa loogu yeero argagixisada ay isaga gudbaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo u kuur gala xaaladda degmada Balad Xaawo, isla markaasna soo diyaariya warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta xuduudda u dhaxeysa labada dal.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta Madaxweynaha Kenya ayaa tilmaamay in Dowladda Kenya ay taageero joogta ah siineyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Kenyaatta waxa uu intaas ku daray in dowladdiisu ay aaminsan tahay in midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Si kastaba ha ahaatee, Gudigaani aasaaskiisa oo ay wada saxiixeen labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in si wada jira ay u daraaseeyan xaalada amni ee Balad Xaawo.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this