Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Sidee ayuu u dhacay kulanka Farmaajo & Uhurro Kenyata +Dheerad

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhigiisa Kenya wadahadal kula yeeshay Madaxtooyada dalkaasi ee Nairobi.

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhurro Kenyaatta ayaa waxa ay ka wadahadleen xiriirka labada wadan iyo arrimo ay ka mid yihiin howlgalada ciidamada AMISOM ee ay  dowlada Kenya ciidamadeedu ka mid yihiin.

Inta uu kulanka socday waxa ay isla soo hadal qaaden darbiga Kenya ay ka dhiseyso xuduudda, oo dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo, inkasta oo aan la ogeyn go’aanadii ay ka gaareen.

Kenyatta waxa uu dhankiisa Farmaajo uga ballanqaaday in dhismaha darbiga xadka uusan dhibaato ku noqon doonin Somalia, iyadoo la eegaayo dhammaan xaalada amni ee labada dal.

Waxa ay si wada jira usoo daraaseeyen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasada ee gobolka waxayna kulankooda diirada ku saareen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya labada dal ee jaarka ah.

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in dowladiisu ay taageersan tahay dadaalka ay ugu jirto dowlada Kenya inay golaha joogtada ah ee Qaramada Midoobay kursi ku yeelato.

Kenyatta ayaa dhinaca kale usoo bandhigay madaxweyne Farmaajo in Somalia ay taageerto dadaal ay Kenya ku dooneyso inay ka mid noqoto xubnaha joogtada ah ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Farmaajo codsiga loo soo jeediyay kadib waxa uu dhigiisa Kenya u xaqiijiyay in Soomaaliya ay si buuxda u taageereyso in Kenay ay ka mid noqoto golaha ammaanka, sida ay shaaciyeen warbaahinta Kenya.

Sidoo kale, Farmaajo waxa uu kulanka ka sheegay in Somalia aysan garaneynin meel ay uga harto Kenya, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inay meel marin doonaan wax waliba oo maslaxad u ah Somalia iyo Guud ahaan labada dal.

Farmaajo-iyo-Kenya-1.jpg?resize=637%2C45 Farmaajo-iyo-Kenya-2.jpg?resize=640%2C42 Farmaajo-iyo-Kenya-3.jpg?resize=637%2C47 Farmaajo-iyo-Kenya-4.jpg?resize=635%2C79 Farmaajo-5.jpg?resize=636%2C424&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this