Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ingiriiska oo tilmaamtay sababta ugu badan ee keenta dhimashada ciidamada Kenya ee Soomaaliya joogo

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Ciidamada cirka ee dowlada Ingiriiska ee fadhigoodu yahay xerada Honington ee dalka Ingiriiska ayaa tababarayaal gaar ah u soo diray dalka Kenya si ay tababar ku saabsan qaababka looga hortago qaraxyada miinooyinka u siiyaan ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Kooxdan gaarka ah ayaa wadanka Kenya timid 16-kii bishan May ee aanu ku gudajirno, hal todobaad uun kadib markii dowladda Kenya ay qiratay in ugu yaraan 12 askari looga dilay qarax xoogan oo ciidamadeeda lagula eegtay duleedka degmada Dhoobeley ee Jubbooyinka.

Saraakiisha dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in tababarrada la siinayo ciidamada Military-ga Kenya uu ka jawaabayo qeylla dhaan iyo baaqyo isdaba joog ah oo maalmahan kaga imaanayey madaxda xukuumadda  Kenya kuwaas oo dalbanayey in qalab iyo tababarro dheeraad ah oo ay kaga hor tagayaan weerarada iyo qaraxyada ee Shabaab.

Tababarkan oo socon doono muddo kooban ayaa la sheegay in ciidamada  Kenya lagu bari doono xeelado iyo farsamooyin ka caawinaya ka hortagga weerarada qaraxyada.

“Tirada ugu badan ee dhimashada ciidamada Kenya ka soo gaarta dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab waxaa sababa qaraxyada miinooyinka” sidaas waxaa yiri Gariim Royistom oo ah madaxa kooxda tababarayaasha ingiriiska ee bixinaya tababarka.

Tababarkan wuxuu ka socdaa dugsiga ciidamada Infantry ee ku yaalla Isiyeeloow, halkaas oo lagu soo dhaweeyey saraakiisha tababarayaasha ee ka socday dowlada Ingiriiska.

Sawiro lagu baahiyey website-ka ciidamada cirka Ingiriiska ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano R.A.F ayaa muujinaya ciidamada Ingiriiska iyo kuwa Kenyaatiga oo si wadajir ah fulinaya xeelado ay sheegeen in looga hortagi karo qaraxyada .

Dowlada Ingiriiska waxay sheegtay in ciidamadaas ay dalka Kenya sii joogi doonaan ilaa inta laga gaarayo bilowga bisha June ee soo socota ka dibna ay ku laaban doonaa xerada Honington ee dalka Ingiriiska oo ah saldhigga ay dagan yihiin ciidamadaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo horraantii bishan May  2018 qarax xoogan lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada  Kenya oo marayey meel u dhow xad beenaadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya kaas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 15 askari laguna burburiyey gaari nooca dagaalka ah.

Madaxweynaha dowladda  Kenya Uhuru Kenyatta ayaa qiray in qaraxaas looga dilay ugu yaraan sagaal askari, wuxuuna sheegay in ciidamadu ay la kulmeen weerarka xilli ay roonddo ka sameynayeen xuduudda balse warbixinno ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganaya ehellada askarta lagu laayey weerarka ayaa tirada dhimashada ee weerarkaas gaarsiiyey ilaa 12 askari.

Dowlada Kenya ayaa tan iyo wixii ka dambeeyey  markii qaraxaas lala beegsaday qeyllo dhaan iyo codsiyo isdaba joog ah u dirsatay waxa loogu yeero Caalamka si ay hesho qalab iyo tababaro xirfadeysan oo looga hortagi weerarada qaraxyada ee uga imaanaya Al Shabaab.

4-1-1.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 3.jpg2_.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 1-1-1.jpg?resize=696%2C392&ssl=1

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this