Sign in to follow this  
Deeq A.

Tartan Kubada Cagta ah oo in Mudo ah ka socday Xarunta Ciidamada Bada oo la soo gabagabeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso[Puntland Post]-Tartankan kubada cagta ee Bisha Ramadaan ayaa loo qabtay toban kooxood oo kakala tirsan qeybaha kala duwan ee Ciidamada Badda Puntland .

Tartankan oo lahaa wareegyo kala duwan ayaa waxa ugu danben iskugu soo haray Ciyaartii ugu danbeysay koox ku ciyaaraysay Magaca Imaaraadka iyo kooxda waaxda Tababarada ee Ciidamada Bada Puntland.

Ciyaratan oo ahad mid xiiso badan islamarkaana ayaa waxa ay ahad ciyaartii ugu danbeysay koobka  waxana ka soo qeyb galay Gudoomiyaha gobalka Bari,kan Degmada Bosaso ,iyo Saraakiisha Ciidamada Badda ee Puntland.

Gudoomiyaha Tartanka Cabdirisaq Xuseen Carcar oo ugu horan ka hadlaya goobta ayaa sharaxay mudadii uu tartanku socday .

Tartanka waxa lagu bilaabaya toban kooxod waxa ka soo haray labo kooxood oo ku kala ciyaarayey Magacyada Imaaraadka iyo kooxda waaxda tababarka ee Ciidamada Bada Puntland.

Taratankan oo lahaa xiiso gaar aha ma jirin wax dhibaato ah oo ka dhacaya inta uu socday dhamaan kooxihii ciyaarayeyna waxa ay soo bandhigeen Ciyaaro wnaagsan .

Ugu danben waxa koobka ku guuleystaya kooxdii ku ciyaaraysaya Magaca Imaaraadka Sidaas waxa yiri Gudoomiyaha Tartanka kubada Cagta ee Ciidamada Bada Puntland Cabdirisaaq Xuseen Carcar.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceysa [dhado] ayaa sheegay in uu ku Faraxsan yahay  in ay soo bandhigaan ciyaar wanagsan kooxahan iskugu soo haraya koobka ugu danbena ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay Magaca Imaaraadka.

Waxan aad ugu mahad celinayaa Madaxada Sare ee Ciidamada Bada Puntland sida wanagsan aya dhalinyaradan ay koobkan ugu Fureen.

Ciidamada Badda Puntland waa garbahaygii waa ciidan aan si dhaw aan u wada shaqeyno waa ciidan ka qeyb qaata Amaanka Magaalada Bosaso.

Waxan Ugu danben u hanbalyeynayaa kooxdii ku guuleystay koobka oo ku ciyaarayasay Magaca Imaaraadka, Sidaas waxa goobta ka Sheegaya Yuusuf Maxamed Waceys [Dhado] Gudoomiyaha Gobalka Bari,.

Ugu Danben kooxdii koobka Qaadaay ayaa waxa la gudoonsiiyey abaal marino iyo sida oo kale koobkii ay ku guuleysten halka kooxdii kaalinta labad gashayna iyagana la gudoonsiiyey bilado.

IMG_3228.jpg?resize=1000%2C563 IMG_3230.jpg?resize=1000%2C563 IMG_3240.jpg?resize=1000%2C667 IMG_3241.jpg?resize=1000%2C667 IMG_3243.jpg?resize=1000%2C667 IMG_3245.jpg?resize=1000%2C667 IMG_3247.jpg?resize=1000%2C667 IMG_3250.jpg?resize=1000%2C667 IMG_3319.jpg?resize=1000%2C563 IMG_3321.jpg?resize=1000%2C563 IMG_3323.jpg?resize=1000%2C563 IMG_3329.jpg?resize=1000%2C563 IMG_3331.jpg?resize=1000%2C563 IMG_3332.jpg?resize=1000%2C563 IMG_3342.jpg?resize=1000%2C563 IMG_3346.jpg?resize=1000%2C563

Cabdiqani Boos 

Puntland Post -Bosaso

The post Tartan Kubada Cagta ah oo in Mudo ah ka socday Xarunta Ciidamada Bada oo la soo gabagabeyey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this