Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka: Nin Al-Shabab ugu tagey Soomaaliya oo 35 sano lagu xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maryland  (Caasimadda Online) – Maxkamad ku taalla Gobolka Maryland ee dalka Mareykanka ayaa 35 Sano oo Xabsi ah ku xukuntay Nin Mareykan ah oo lagu helay in uu ku biiray Al-shabaab.

Xeer Ilaaliyaasha Federaalka ee mareykanka ayaa soo eedeeyey Maalik Alim Jones, oo 33 jir ah waxaana lagu helay in uu u safray Soomaaliya,lana tababartay Al-shabaab.

Maalik ku xukuntay 35 Sano oo xabsi ahoo uu ku muteystay safarkiisa Soomaaliya,ku biirista iyo la tababarashada Al-shabaab, waxaana xukunkaas riday maxkamadda Manhattan

Ninkaan ayaa lagu eedeeyey inuu al-Shabaab ku qaaday Qori AK-47 ah isla markaasna uu ka dhinac dagaalamay kadib markii uu tabar qaatay.

Sanadkii 2011 ayaa lagu eedeeyey inuu tagay dalka Kenya sidaasna uu kusii tagay dalka Soomaaliya oo daris la ah, waxaana la shaaciyey inuu Al-Shabaab la qaatay tababar socday muddo  3 bil iyo Maalmo.

Sidoo kale maalik ayaa la sheegay inuu Qur’aanka ku bartay Xero ay Al-Shabaab ku leeyihiin gudaha Soomaaliya taasoo ciidamada lagu tababaro.

Sida ay Maxkamadda sheegtay Ninkaan ayaa si toos ah ugu biiray ciidamada Jeysh Al Ayman oo ah ciidan gaar ah oo ay leedahay Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada gaarka ah ee uu ninkaan ku biiray ayaa la sheegay inay tahay midda weerarada ku qaado dalka Kenya isla markaasna saldhigyo ku leh Booraha Kenya ku yaal oo ah halka ugu badan ee laga soo qaado weerarada laga dhex fuliyo gudaha dalkaas.

Waxaa si toos ah loogu eedeeyey inuu ka qeyb qaatay dagaal ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya oo isku dhinac ah ay la galeen Xarakada Al-Shabaab kaasoo ka dhacay Degmada Afmadow ee Goolka Jubada hoose.

Ugu dambeyntii ninkaan ayaa la sheegay inay qabteen Ciidamada Dowladda Soomaaliya xilli uu doon ugu safrayey dalka Yemen, waxaana lagu wareejiyey dowladda Mareykanka 7-dii December sanadkii 2015.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this