Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Muxuu yahay ujeedka socdaalka uu Farmaajo ku tagey Nairobi maanta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Farmaajo ayaa si wanaagsan waxaa loogu soo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Jomma Kenyatta ee dalkaasi Kenya, waxaana la filayaa inuu la kulmo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Ujeedka safarka Madaxweyne Farmaajo ee Magaalada Nairobi ayaa xog aan helnay waxa ay sheegeysaa inuu la xiriiro muranka ka taagan xuduudda labada dal oo Kenya ay ka dhiseyso darbi weyn.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu Kenya kala hadlo joojinta darbigaas ama ugu yaraan inaysan kusoo xadgudbin dhulka Soomaaliya. Farmaajo iyo Uhuru ayaa horay qadka taleefanka uga wada hadlay, isla markaana isku raacay guddi loo saaro arrinta darbiga, isla markaana la hakiyo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in labada madaxweyne ay ka hadlaan ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab, ayada oo ciidamo Kenyan ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.

Socdaalka Farmaajo ee Nairobi ayaa imanaya, ayada oo magaalada ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this