Deeq A. Posted May 30, 2018 Cadaado (Caasimadda Online) – Xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya Hoggaanka maamulka Galmudug ayuu mas’uul katirsan maamulkaas jeediyay hadal dad badan ka yaabiyay. Max’med Xaashi Carrabeey oo ku magacaaban madaxweyne ku xigeenka ‘Galmudug’ ayaa sheegay in Dastuurka u degsan maamulkiisa uu xuquuq siinayo shacab uu ku sheegay in ay gaalo iyo muslimiin leeyihiin. Vide lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay Max’med Xaashi oo ku hadaaqaya in shacabka ku nool Mudug iyo Galguduud ay leeyihiin muslimiin iyo Gaalo arrinkaas oo dad badan ka yaabiyay. “Dastuurkaan Ninka gaalka ah iyo Ninka muslimka ah oo qabaa’illada Galmudug kasoo jeedo xaq ayuu ku leeyahay xaqiisa in uu ka helo waaye, waa in saxa loo fiiriyo dastuurka shalay markii la qoraayane sidaas ayuu ahaa” ayuu yiri Max’med Xaashi. Wuxuu ku dheeraaday ka hadalka waxa uu ku saleysanyahay dastuurka maamulka Galmudug oo sheegay in xaq siinayo gaalo iyo muslim, mar uu soo hadal qaaday dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab ayuu sheegay in ay ka aaminsanyihiin Urur Argagaxiso. Share this post Link to post Share on other sites