Sign in to follow this  
Deeq A.

Raggii fuliyey weerarkii Hotel Naasahablood 2 oo dil toogasho lagu xukumay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay saddex Nin oo loo heystay weerarkii 28kii October lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.

Bartamihii Todobaadkan Maxkamadda ciidanka ee darajada 1aad waxaa ay u fariisatay kiiska Raggan,waxaana ay Maxkamadda sheegtay in xukunka dib laga shaacinayo.

Saaka ayey Maxkamadda shaacisay in Raggaas uu ku caddaaday kiiska,waxaana Warbaahinta la hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute.

Farxaan Maxamed Samatar, C/Naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buulle,kuwaas oo loo heysto in ay ka dambeeyeen weerarkii Naasahablood Labo halkaas oo ay ku dhinteen 17 Qof oo isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsanaa dowladda Soomaaliya,Maamul Goboleedka Koofur Galbeed iyo Dadk shacab ah.

Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xukunka Maxkamadda uu leeyahay Racfaan islamarkaana ay Raggaas Racfaan ka qaadan karaan xukunta dil

Halkan hoose ka akhriso xukunka lagu riday eedeysanayaashan:-

Markey dhageysatay:- Maxkamada qiraalka eedaysanayaal

1: Farxaan Maxamed Samatar oo Magaciisa afgarashada ah loo yaqaan (Suheyb)

2: Cabdi naasir Dhaqane Xasan oo magaciisa afgarashada loo yaqaan (C/xamiid Qoslaaye) iyo 3: Abshir Maxamed Xaaji Buule oo magaciisa afgarashada loo yaqaan (yaxye) ay ka hor cadeeyeen Maxkamada horteeda in ay ka tirsan yihiin Kooxda Al shabaab isla markaana ay ka mid ahaayeen Koox weerar ku qaaday Hotel Naasa hablood Labo Taariikhda markey aheyd 28/10/2017, eedeysanayaasha waxay Maxkamada ka codsadeen in loo naxariisto.

Markey dhageysatay: Markhaatiyaasha la horkeenay Maxkamadda mid midna u weydiisay Marag furkooda waxay Maxkamadda ka hor sheegeen in ay ka mid ahaayeen ciidankii usoo gurmaday Hotel Naasa hablood Labo markii uu weerarka dhacay ka dibna sedexda eedaysane oo u adkeysan waayay dagaalka ay ciidanka amniga kula galeen gudaha Hotelka ay usoo baxeen banaanka iyagoo soo aaday dhanka ay maragu waardiyaha ka haayeen sidaasna ay ku dhex martay israsaaseyn sababtay dhaawaca mid ka mida Eedeysanayaasha halka labada kale ay ku carareen guri ka ag dhawaa goobta sidaasna ay kusoo qabteen sedexda eedeysane iyo hubkii ay ku dagaalamayeen oo isugu jiray AK47 iyo Bambooyin.

Sidaa darteed Maxkamadda waxaa u cadaatay in eedeysanayaal Farxaan Maxamed Samatar, Cabdi naasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule ay wada yihiin dambiilayaal galay dambiyada lagu soo oogay.

Waxayna Maxkamadda ku xukuntay Dil Toogasho ah oo ah qisaasta dadkii ku geeriyooday weerarka ay ku qaadeen Hotel Naasa Hablood Labo

Cidii aan ku qanacsaneyn xukunka Maxkamada waxaa u furan Racfaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this