Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkmada Ciidamada oo Xukuntay Eedeeysanayaal loo Heeysto Qarixii Naasa Hablood 2

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkmada Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeeysay xukun ciqaabeedkii loo heeystay Dhalinyaro la sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay Hoteel Naasahablood 2 Ee Muqdisho.

Weerarkaan ayaa 28-kii Octobar ee Sanadkii hore  2017 ayaa waxaa weerarkaasi oo ku Dhow Madaxtooyada weerar ku qaaday Al-Shabaab.

Ciidamada amaanka ayaa qabtay Dhowr qof oo ay sheegeen in ay ka dambeeyeen weerarkaasi iyaga oo ka soo Muuqday maxkmad.

ugu dambeeyntii Maxkamada ayaa saakay ku riday 3 eedeeysane oo kale ah :- Farxaan Maxammed Samatar, Cabdinaasir Dhaqane Xasan iyo Abshir Maxamed Xaaji Buule dil Toogasho Ah.

Waxaa xukunkaasi ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkmada Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida Col Xassan Cali Nuur Shuute.

Hoos ka Daawo Muuqaalka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Maxkmada Ciidamada oo Xukuntay Eedeeysanayaal loo Heeysto Qarixii Naasa Hablood 2 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this