Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabab oo toban qof si xun ugu gowracay dalka Mozambique (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Mozambique ayaa sheegaya in halkaa lagu gowracay ku dhawaad 10 ruux oo kamid ah dadka ku nool tuullooyinka ku yaalla xadka xiga Tanzania.

Dadka la goracay ayaa waxa ay isugu jiraan Haween, Carruur, waxaana kamid ahaa dadka la gooracay Caaqilka tuuladaasi.

Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay Tuullada lagu magacaabo Monjane oo ku taalla Waqooyiga kuna dhow xuduudka Tanzania, iyadoo ay falkaasi geysteen Maleeshiyaad taabacsan al-Shabaab oo ka dilaacay Mozambique, oo isla Al-Shabaab lagu magacaabo.

Dadka ay maleeshiyaadkan ka faracmay al-Shabaab gowraceen ayaa aaminsan diinta Kirishtanka waxaana loo gowracay inay la shaqeeyan Dowlad.

Caaqilka la gowracay ayaa isna lagu eedeeyay in Dowlada Mozambique uu la wadaagi jiray xaaladaha Tuullada, isagoo warbixino kasiin jiray hadba wixii kusoo kordhay Tuullada.

Maleeshiyaadkan ayaa kasoo kala jeeda wadamada Kenya iyo Mozambique, waxaana tababar dhanka ciidanka ah siisay al-Shabaab.

Macalimiin isugu jirta al-Shabaabka Somalia iyo Kenya ayaa bixiyay tababarka, waxa ayna warbaahintu sheegeysaa in Kooxdaan ay ka faracantay al-Shabaab.

Bishii October 2017 ayaa waxaa halkaas tagay al-Shabaab kasoo jeeda Kenya oo tababar siiyay Muslimiinta Tuulladaas, si ay isaga daafacaan kuwa kale ee heysta diimaha aan muslimka aheyn.

Dhinaca kale,, Dowlada Mozambique ayaa arrintaas u xirtay 300 oo muslimiin ah kuwaa oo lala xiriirinaayo inay wax ka ogaayeen gowraca ay geysteen maleeshiyaadkan ka faracmay al-Shabaab.

Xigasho: https://www.enca.com/africa/suspected-islamists-behead-10-in-mozambique-village-sources

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this