Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ciidamo militari ah duldhigtay shacabka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Somaliland ayaa xalay ciidamo militari ah dhoobay inta badan xaafadaha magaalada Laascaanood oo shalay uu ka dhacay muddaharaad looga soo horjeedo joogitaanka Somaliland ee degmadaasi iyo guud ahaanba gobolka Sool.

Wararka saaka halkaasi ka imaaanaya ayaa sheegaya in ciidamo ku lebbisan tuutaha militariga Somaliland lagu arkayo xaafadaha kala duwan ee ay ka koobantahay degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qaar kamid ah dadweynaha magaalada ayaa sheegay in ciidamadan militariga ah loo keenay si ay u xakameeyaan muddaharaadyada rabshadaha wata ee maalmihii u dambeeyay ka socday degmada Laascaanood,kadib markii Booliisku ay xakameyn waayeen.

Muddaharaadyo lagu taageerayo dagaalka ay Puntland ku dhawaaqday ee lagu soo celinayo degaannada maqan ee gobolka Sool ayaa maalmahan ka socday degmadaasi,waxaana ka dhashay khasaare dhaawac iyo burbur hantiyeed,sidoo kale Booliiska  Somaliland ayaa muddaharaadkii shalay ku xiray dad gaaraya 100 ruux oo u badan dumar iyo carruur.

Dadka lagu xiray Laascaanood ayaa waxaa sidoo kale ku jira weriyaal ka hawlgala Warbaahinta madaxa-bannaan iyo waxgarad ay Somaliland ku eedaysay in ay kicinayaan shacabka.

Xaaladda degmada Laascaanood ayaa maanta deggan,waxaana aad u yar isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada dhexdeeda,iyadoo shacabka lagu amray in aysan isu imaan karin,sida ay sheegeen dad ku sugan halkaas oo aan la hadalnay.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo ciidamo militari ah duldhigtay shacabka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this