Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo war kasoo saaray dilkii qasnajigii baarlamaanka loogu geystay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda)- Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal ayaa qoraal kasoo saaray dilka magaalada Muqdisho loogu geystay qasnajigii baarlamaanka marxuum Cumar Dalxa oo kooxo hubeysan ay gabal dhicii shalay oo Isniin aheyd ugu geysteen degmada Waaberi.

“Ugu horeyn, waxaan tacsi tiiraanyo leh aan u dirayaa ehelka Marxuum Cumar Dalxa, kaasoo ay ku dileen koox manaxayaal ah isagoo Sooman, waaxda Horseed ee degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Gudoomiye Mursal.

Wuxuu ku tilmaamay Gudoomiyaha in marxuumka la khaarjiyay uu ahaa shaqsi aad ugu fir-fircoonaa shaqadda xarunta Baarlamaanka Federaalka oo uu aad uga dhex-muuqday howlwadeenada. Wuxuu u rajeeyay in EBBE uu siiyo naxariistiisa.

“Waxaan urajeynayaa Cali Cabdullaahi Cabdi oo gaariga la saarnaa marxuumka la dilay, soo kabasho iyo caafimaad deg deg ah. Labadooda waxaa la beegsaday iyagoo Sooman, waxaan ugu baaqayaa laamaha amaanka inay soo qabtaan kuwii falkan ka dambeeyay,” ayuu yiri Mursal.

Sidaas si lamid ah, weerarkan waxaa ka babaaday Labo qof oo kale, oo midi ay dhaawac kasoo gaaray, darawalkiina uu ka bad qabo

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo bilashada bisha Ramadaan waxaa amaankeedu ahaa mid aad u xun oo dilalka qorsheysan ay kusoo kordhayeen.

Xafiiska Caasimada
Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this