Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasnajigii Baarlamaanka oo la dilay iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dabley hubeysan ayaa caawa Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir waxay ku dileen khasnajigii guud ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kooxdan ayaa dishay Cumar Dhalaxow Dalxa oo ahaa khansajigii Baarlamaanka Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Cumar Dalxa ayaa gaari uu watay dableydaan ay rasaas ku huwiyeen.

Dhanka kale dilkaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

“Waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkey Cumar oo ka tirsanaa hawlwadeenada Baarlamaanka, wuxuu ahaa qof dhalinyaro ah oo firfircoon, iyada oo la sooman yahay ayay cadowga manaxayaasha ah dileen oo caadeystay daadibta dhiiga shacabka Soomaaliyeed, hay’adaha ammaanka waxaan ka dalbanayaa in ay gacanta ku soo dhigaan nimanka cadowga ah ee falkaasi ka dambeeyay.” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa ha’daha amaanka ka codsaday in ay soo qabtaan kooxihii falkaasi ka dambeeyay oo ay cadaaladana la hor keeno.

“Waxaan rajeyneynaa in kuwii ka dambeeyay dilka xaq darada ah ee loo geystay Marxuum Cumar laamaha amaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan, islamarkaana cadaalada la hor keeni doono”

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya tan iyo markii laguda halay bishaan barakeeysan ee Ramadaan waxaa ku soo badanaya dilalka qorsheysan.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho

The post Khasnajigii Baarlamaanka oo la dilay iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hadlay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this