Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo war kasoo saaray dilka Muqdisho loogu geestay Shaqaale ka tirsan Xarunta Golaha (Sawir)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo goordhow magaalada Muqdisho lagu dilay Marxuum Cumar Dhalaxow oo kamid ahaa Shaqaalaha Xarunta Golaha shacabka, ayaa waxaa dilkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Guddoomiyaha Golaha Golaha Shacabka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Allaha ha u naxriistee Marxuumka oo gacan ka xaq daran ay ku dishay Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Dilkii-558x430.png?resize=558%2C430&ssl=

Nuqul kamid ahaa haddalka kasoo baxay Guddoomiyaha ayaa ahaa “Allaha ha u naxriisto Cumar wuxuu ahaa wiil dhalinyarro ah oo ka mid ahaa Hawlwadeenada Golaha Shacabka maanta ayaa iyadoo uu soomanyahay Waxaa dilay kooxo manaxyaal oo caadeystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed’’

‘’Waxaana Alle ka baryayaa in Janatul Fardowso uu ka waraabiyo ,kitaabkiisa gacanta midig Allaha haka siiyo, Anaga iyo guud ahaan qoyskiisaba samir iyo iimaan Allaha hanaga wada siiyo’’

‘’Sidoo kale waxaan Caafimaad deg deg ah u rajeynayaa Cali Dheere oo marxuumka la socday dhaawacna uusoo gaaray” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Waxaan rajeyneynaa in kuwii ka dambeeyay dilka  xaq darada ah ee loo geystay Marxuum Cumar laamaha amaanka ay gacanta kusoo dhigi doonaan, islamarkaana cadaalada la hor keeni doono”

Si kastaba ha ahaatee, Marxuumka oo ay la socdeen shaqaale kale oo ka tirsan qeybta Qasnajiga baarlamaanka ayaa xiliga weerarka la socday Gaari raaxo waxa uuna falka ka dhacay Waaxda Horseed ee degmada Waaberi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this