Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyihii Maxkamadda Sare oo Kasoo Horjeystay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyihii Maxkamada sare ee dalka  Ibraahim Iidle Suleymaan Ayaa ka soo horjeeystay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Ibraahim Iidle oo la hadlay Laanta Af-Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa sheegay in sharci daro ay tahay xil ka qaadistaasi lagu sameeyay.

Waxa uu sheegay in ay kala madaxbanaanyihiin laamaha Dalka islamarkaasina Garsoorka uu ka madaxbanaanyahay laamaha dowlada sida uu dhigayo Dastuurka.

Ibraahim Iidle Suleeymaan ayaa sheegay in wali uu yahay Gudoomiyaha Maxkmada sare ee dalka wax kama jiraana ay tahay xil ka qaadistii lagu sameeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay Digreeto uu soo saaray xilkii Gudoomiyaha Maxkmada sare kaga qaaday Ibraahin Iidle Suleeymaan isaga oo u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Aalaba waxaa soo laa laabtay qilaafaadka ka dhasha Xil ka qaadista Madaxweynayaasha Soomaaliya ay ku sameeyaan Gudoomiyaasha maxkmada Sare ee dalka Waxaa xusid mudan in khilaaf ceeynkaan oo kale ah uu dhacay Markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu Ahaa madaxweynaha Soomaaliya xiligaasi uu xilkii ka qaaday Abuukaate Caydiid Abdullaahi Ilka Xanaf Gudoomiyihii Maxkmada sare ee dalka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Gudoomiyihii Maxkamadda Sare oo Kasoo Horjeystay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this