Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah Ergadii Soo Xulay Baarlmaanka oo Muqdisho lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Koox Bastoolado ku hubeeysan ayaa Goordhow oo Caawa ah Degmada Dharkiinleey ee Muqdisho ku dilay mid kamid ah Nabadoonadii caanka ahaa ee soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya.

Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Dabaqiinka Ayaa lagu dilay Allaha u naxariistee Nabadoon Sheekh Saleebaan Abiikar Fooldheere.

Kooxihii dilka geeystay ayaa isaga baxsaday goobta dilka uu ka dhacay waxaana goobtaasi soo gaaray Ciidamo katirsan kuwa dowlada oo howlgal halkaasi ka wada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca Dilal Qorsheeysan oo Masuuliyadeeda ay Sheegtaan Al-Shabaab.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Mid kamid ah Ergadii Soo Xulay Baarlmaanka oo Muqdisho lagu Dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this