Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo jawaab cad ka bixisay Su’aal ay markasta is waydiiyaan dadka Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Turkiga ayaa iska fogeysay in saldhigga milateri ee ay ku leedahay Soomaaliya iyo howlaha gargaar ee ay dalkaasi ka wado ay ka leedahay ujeedooyin dano gaara ku saleysan ama ay kula tartameyso quwado kale.

Agaasimaga guud ee laanta xiriirka Afrika  ee Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Turkiga Ahmet Riza Demirer, oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Anadolu Agency ayaa  kaga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo siyaasadda Trukiga ee Afrika.

Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd sida dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale ay u arki karaan Saldhigga Turkiga ee Muqdisho ayuu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal 30-kii sano ee la soo dhaafay ay dhibaato ka jirtay Turkigana uu u tagay in uu kaalmeeyo Dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in ay yihiin kuwo tayo badan oo aan isdhiibin.

Ahmet Riza Demirer, waxaa uu sheegay in Soomaaliya aysan ahayn meel uu caalamka ku tartamo Turkigana uusan tartan u joogin.

Waxaa uu ka jawaabayay su’aal ahayd sida dalalka deriska iyo caalamka intiisa kale ay u arki karaan Saldhigga Turkiga ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal 30kii sano ee la soo dhaafay ay dhibaato ka jirtay Turkigana uu u tagay in uu kaalmeeyo Dadka Soomaalida ah oo uu sheegay in ay yihiin kuwo tayo badan oo aan isdhiibin.

Ahmet Riza Demirer ayaa caddeeyay in dalalka Imaaraadka, Mareykanka, Ingiriiska iyo kuwo kaleba ay tababaraan Ciidamada Soomaaliya, laakiin tababarka Turkiga uu ka duwanyahay tababarrada ay bixiyaan dalalka kale.

Waxaa uu ku tilmaamay in ujeedada tababarka Turkiga tahay in xal kama dambeys ah loo helo amni xumada Soomaaliya ka jirta,waxaana uu intaas raaciyay in ujeedada saldhigga uusan ahayn mid qorshe gaaban ku dhisan.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this