Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug President Xaaf accused Farmaajo's goverment of being behind Galmudug conflict

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf oo saxaafada kula hadlayey Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmuug ayaa sheegay in Dowlada Somalia ay ku heyso faragalin xad dhaaf ah.

Xaaf waxa uu sheegay in Khilaafyada ka dhex jira Madaxda maamulka ay kaalin weyn ka qaadaneyso Dowlada Somalia oo uu tilmaamay inay kala kulmayaan caqabado badan.

Xaaf, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay ku dhaliilayaan hanaanka ay u wajaheyso Khilaafka, waxa uuna meesha ka saaray inay ka maarmikaraan dhex dhexaadin Dowladeed.

Maamulka Galmudug ayuu sheegay inaanu xiligaan qabin dhibaato buuran, hase ahaatee uu dalbanaayo in dowlada ay ka joojiso faragalinta, sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlaayay bilowga Khilaafka ayuu cadeeyay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia uu ka meermeeray inuu kusoo baxo Khilaafka hase ahaatee ay garteen inay ka maarmaan xalinta Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia.

Xaaf, waxa uu sheegay inuu isku dayay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia uu kala hadlayo khilaafka yar yare ee soo kala dhexgalay balse uu ku soo laaban waayay sidaasna ay xamar uga soo tageen.

‘’Waxaa arrintaan u sabab ah dowlada Somalia oo aan iska xilsaarin bilowga Khilaafka, waxaan cadeyneynaa in dowladu ay nagu heyso faragalin Wasiirka arrimaha gudahana waxaan uga digeynaa inuu nagu sii hayo faragalinta’’

“Galmudug weli waa sideedii oo wax dhibaato ah kama dhex jiraan laakin hadalka Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia uu yiri waa mid faragelin toos ah ee haka daayo’’

‘’Ka maamul ahaan horay ayaan dowladda uga dalbanay in maamul goboleedayda ay ka deyso faragelinta, balse wey iska indha tireysaa dowlada’’ayuu yiri Xaaf

Sidoo kale, Xaaf ayaa sheegay in faragalin kaga imaadaa Dowlada Somalia ay uga dhigan tahay in dowladu ay sii kala fogeyneyso madaxda maamulka.

Si kastaba ha ahatee, Xaaf waxa uu ugu baaqay ku-xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug ee Cadaado ku sugan in ay soo dhaweeynayaan,isla markaana ay ka xalinayaan waxwalba oo ay ka tabanayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this